haatuf.net
Hogaamiye Noocee Ah Ayeynu U Baahan Nahay: Qalinkii Dr Mahfud Abdi Mydear
December 6, 2014 - Written by Admin Two

Dr MahfuudDalkii maxmiyadda ahaa ee 26kii Juun 1960kii gobanimadiisa ka qaatay Boqortooyadii midowday ee Ingiriiska iyo Woqooyiga Ayrland (United Kingdom of Great Britain and Northern Ireland), abortion lana odhan jiray Maxmiyadda Somaliland, prostate kuna biiray Soomaaliya 1dii July 1960kii si ay u wada curiyaan Jamhuuriyadda Soomaaliya (Somali Republic), ee kula soo noqday gooni-isu-taagiisa Go’aankii shirkii Beelaha Somaliland ee Burco 27kii April ilaa 15 May 1991kii.

Dalkan oo soo maray marxalado fara badan ilaa waqtigaa, ayna qoran tahay taariikhihii kala duwanaa ee madaxdii iyo marxaladihii kala duwanaa ee wadankani uu soo maray laga soo bilaabo madaxwaynihii u horeeyay ee dalkan 1991 ilaa manta oo uu xilka hayo Madaxwayne Ahmed Mohamed Mohamoud (Siilaanyo). Waqtiyadaas iyo marxaladahaas kala duwan ee uu soo maray dalka jamhuuriyada Somaliland waxa ka muuqda horumar aad u balaadhan oo uu Madaxwayne kastaa uu dalkan ku soo badbaadiyay ayna muuqato horumar gaadhsiiyay wadankan isaga ah in uu ka soo gudbay waqti caalamka hal qof oo garanaaya aanu jirin khariidada aduunka halka uu kaga yaalo maantana Bari ilaa Galbeed caalamku ogsoon yihiin halka uu dhaco juquraafiga Jamhuuriyada Somaliland.

Waqti xaadirkan aynu ku jirno (2014) oo lagu tilmaamo ay talada hayso xukuumadii horumarka oo uu hogaaminayo Dr Ahmed Mohamed Mohamoud (Siilaanyo), ayaa waxa muuqata horumaro badan oo ay ka mid yihiin sida miisaaniyadii wadanka oo kor u kacday, waxbarashadii dugsiyada H/Dhaxe oo bilaash laga dhigay, wadooyin badan oo lagu soo kordhiyay wadanka, darajooyinkii ciidanka oo la hir galiyay IWM.

Maanta oo ay wadanka ka jiraan xaaladao fara badan oo ay ugu muhiimsan yihiin u diyaar garawga doorashooyinka ayaa igu kalifay in aan qoraal aan ugu faaidaynayo muwaadiniinta jamhuuriyada S/Land aan jeclaystay in aan la wadaago.

Qoraalkaygan oo si qoto dheer uga hadli doona suaal aan is waydiiyay oo ah Hogaamiya Nooceeya ayay u baahan nahay si aynu u gaadhno hiigsiga aynu leenahay. Xaqaaiqa jiraa waxa weeyaan qof waliba wuu ogsoon yahay sida aynu wax u doorano, iyo sida wadamada horumaray ay wax u doortaan, waxaan shaki ku jiran in aynu badanaa ka eegno hogaamiyaha aynu dooranaynaa laba qodob oo ay ugu horayso qabiil iyo qodobka labaad oo ah dano gaara, taasina waa ta keentay in wadankeenu ay ku adkaato sidii uu u gaadhi lahaa rajada ku jirta maskaxdiisa qof wal oo muwaadina.

Maadaama oo ay inagu soo fool leeyihiin doorashooyin waxa muhiima hadaba sidaynu u doorana hogaamiyaha wadankani u baahan yahay ee u qalma. Markaan ku cabiro fikirkayga aniga oo aan dhaleecayn u soo jeedinayn dhamaan madaxdii kala duwanayd oo dadaalkooda ka gaystay wadankan isaga ah, waxaan hubaa in hadaynu isla qaadanoo qodabadan hoos ku qoran in aynu helikarno waxa maskaxdeena ka dhax guuxaya hogaamiye ina gaadhsiiya.

Iyada oo aynu kor ku soo sheegnay wax badan oo la qabtay, lkn hadana waxa wali lunsan waxa weeyi in aynu dalka dhisno iyo ina dadka dhisno waxa muhiimsan in ay dadka dhisno waayo maaalinta uu dhismo dadka ku nool wadankani si bilaa shuruuda waxaa la hubaa in uu dhismaayo wadankani, dhisida dadka la dhisaayo waxaa ay keenaysaa in aynu garano hogaamiyaha aynu u baahanahay inaga oo aan u eegayn fikiro liita oo uu ugu horeeyo qabiil laakiin aynu u eegayno sida uu u qiimeeyo ninka maraykanka ahi siduu u dooranayo hogaamiyihiisa oo ah ka gaadhsiinaya horumarka wadanka.

Maanta wadankan Jamhuuriyada S/Land waxa ka muuqda horumar balaadhan lkn wali waxyaabaha aynu tabayno waxa ka mida, hadii aad u fiirsato wasaarad kasta oo wadanka kamida waxa kuu muuqanaya wali in uu ( system) aanu gaadhsiisnayn halkii aynu ka doonaynay, hadaba si aynu u guulaysano waa in aynu ku dooranaa hogaamiye aqoontiisa iyo kartidiisu gaadhsiisan tahay lehna astaamahan inaga oo aan u aabo yeelin qabiilkiisa iyo dano kalaba

(A) Kalsooni badan (B) Dulqaad badan (C) Khilaaf Xalin qurux badan (D) Go,aan qaadasho (E) Karti badan (F) Aqoon baahsan (G)  Qorshe cad (H) Samir iyo hiigsi fog iyo waxyaabo kale oo badan.

Inkasta oo xukuumada joogta manta ay waxyaabo badan qabatay lkn waxa muhiima in aynu yeelano qorshayaal cad oo aynoo abuurto xukuumadu oo lagu dhisaayo waxyaabaha aasaaska u ah nolasha sida caafimaadka, waxbarashada iyo muwaadinimada, waxaanan hubaa wadan ay dadkiisu dhisan yihiin iyaga ayaa dhisan kara dalkooda, qoraalkaygan ugama jeedo cambaarayn lkn waxa uu iga yahay tala soo jeedin mana qabo in aan gartay wax ay garan waayeen hogaamiyayaasha wadanku lkn waa iga xasuusin uun.

Ugu danbayn waxaan ku soo gabagabaynayaa qoraalkayga jidka kaliya ee aynu ku horumaraynaa in uu yahay in  aynu helno dad dhisan si aynu u helno hogaamiye dhisan.

Dr Mahfud Abdi Mydear

Drmahfuud2010@live.com

0634474020

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS