haatuf.net
Murashaxa Madaxweynaha Ee Xisbiga UCID Oo Berri Ka Soo Degaya Madaarka Hargeysa Iyo Qaban Qaabada Soo Dhaweyntiisa Oo Socota
December 14, 2014 - Written by Admin Two

Hargeysa, viagra December 14, ailment 2014 (Haatuf) – Musharaxa madaxwaynaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa maalinta bari ee Isniinta ka soo degaya madaarka caasimadda ee Igal International Airport, kaas oo ay magaaladda Hargeysa ka socoto qaban-qaabada soo dhawayntiisa.

Waxaana sidaasi lagu sheegay qoraal uu soo saaray Xoghayaha Xidhiidhka Gobolada iyo Degmooyinka Xisbiga UCID Cabdiqani Ibrahim Salaf (kaptanka), kaas oo nuqul ka mid ah Haatuf soo gaadhay isla markaana isagoo dhamaystiran u dhignaa sidan:- “Dhamaan Masuuliyinta Warqadani ku socoto iyo kuwa ogaysinta ku lehba Waxaan idinla socodsinayna in Maalinta Isniinta Taarikhduna Tahay 15 December 2014 Galinka hore la soo dhawayndoono Musharaxa Madaxwaynaha Xisbiga Ucid Mudane Jamaal Cali Xuseen.
Ku: Wasirka Wasarada Arimaha Gudaha JSl                                 Hargaysa

Og: Taliyaha Booliska JSL                                                                  Hargaysa

Ujeedo : la socodsiin

Dhamaan Masuuliyinta Warqadani ku socoto iyo kuwa ogaysinta ku lehba Waxaan idinla socodsinayna in Maalinta  Isniinta Taarikhduna Tahay 15 December 2014 Galinka hore la soo dhawayndoono Musharaxa Madaxwaynaha Xisbiga Ucid Mudane Jamaal Cali Xuseen.

Sida daradeed waxaanu sii sharaf iyo qadarin leh idinla socodsiinayna  inaad maalintaasi si wada jir ah xil iskaga saarno Ilaalinta Amaanka Qaranka  iyo Nabadgalyada dalka.

ALLA- MAHADLEH

Xoghayaha Xidhiidhka Gobolada iyo Degmooyinka Xisbiga Ucid

Cabdiqani Ibrahim Salaf (kaptanka)___________________”

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS