haatuf.net
“Haddii Anagii Madaxda Xisbiyada Mucaaridka Ahayn Naloo Diidayo Inaanu Marno Jidka Madaxtooyadda Hormara Maxaa La Idinku Samaynkaraa Idinkana Shacaboow?”C/Rashiid Xasan Mataan
December 15, 2014 - Written by Admin Two

Hargeysa, pills December 15, health 2014 (Haatuf) – Musharaxa Jagada Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan, pills ayaa maanta si adag uga hadlay fal xukuumaddu kula kacday masuuliyiin ka tirsan xisbigooda, kaas cambaareeyey talaabadii ay ciidanka RRU-du xabsiga ugu taxaabeen maanta xubno iyo taageerayaal ka tirsan xisbigooda oo soo dhawaynayey musharaxa madaxwaynaha UCID Md Jamaal Cali Xuseen.

C/rashiid Xasan Mataan isagoo arrimahaasi ka hadlaya, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Laga bilaabo Maanta maaha wax loo dulqaadan karaayo waxa dalka ka socda, waar ma wax loo dulqaataaba in naloo diido dariiqii Madaxtooyada hormarayey ee aanu maraynay, haddii anagoo Madaxda Xisbiga ah sidaa nalagu samaynayo Idinka(Shacabka) maxaa la idinku samaynayaa, ma wax loo dulqaataaba in toban qof oo ka mid ah dadkii I soo dhaweynayay maanta la xidho oo ay Xabsiga ku jiraan. Siilaanyo-na si fiican u seexan maayo dadkayagana la dhibaatayn maayo”.

Mr Jamaal waxa uu farriin u diray Ciidanka Somaliland “Ciidamada Qaranka waxaan u sheegayaa waar Amarkan la idin siinayaa waa wixii dadku ka dagaalamay, waxaan idin leeyahay ha qaadanina Amarka aan saxda ahayn” ayuu yidhi Jamaal.

Mudane Jamaal Cali Xuseen waxa uu sheegay inay Mucaaradad adag ku qaabilayaan Xisbiga Kulmiye iyo Xukumaddiisa “Wixii maanta halkaas ka dhacay ee ay noo sheegeen(Boolisku) ee ay yidhaahdeen amar baanu haysanaa inaydaan wadadaas marin taas baa inoogu filan xaalka taagan. Waxaynu tusaynaa Kulmiye Mucaaradadoodii mid ku laban laab ah.Markaynu Mudaharaadayno waa inoo Madaxtooyada horteeda” ayuu yidhi Jamaal.

Musharax xigeenka Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa isna tilmaamay inaanay falalka Xukumaddu ahayn kuwo loo dulqaadan karo “Anagoo u sheegnay in Musharaxa Ucid imanayo oo Taageerayaashiisu soo dhaweynayaan baa haddana RRU dariiqa naloo dhigay, ma wax la qaadan karayaa baa,inay XIldhibaanadii Xasaanada lahaa oo aan Maxakamadi xidhan iska xidhnaadaan ma waxaynu qaadanaabaa.inta aan Maxakamad marine e Jeelasha maanta ku xidhan ma xaq iyo wax la qaadan karaaba.

Maalin hore ayaa Xildhibaanadii UCID ee Berbera gacan loola tagay oo la garaacay mana jirto cid raali galin ka bixisay, waar dalkii wuu sii socdaa, wuxuu ku sii socdaa in Xukumaddii aynu dooranay maalin walba ku talaabsato wax amniga khalkhal galinaya.markii ay Bari soo gubeen ee aad ogtihiin waxay Burco ka samaynayaan, ee ay Berbera ka samaynayaan ee aad ogtihiin inay saqda dhexe Habeenkii dadka la baxayaan ee aad Ogtihiin Hargeysa gudaheeda Mushkaladdaha ka dhacaya, oo aad ogtihiin Galbeed oo ahayd meesha kaliya ee inoo fayow tabashadii ay tabteen ee Suldaanku ka cadhooday ee uu yidhi waa inaynu baxno ee Shacabkiisii yidhi bixi mayno ee dalka waynu dhisaynaa ayaa waxa la wadaa in Ciidankii qaranka inta laga horgeeyo shacabka lagu kiciyo. Waxaad u diyaar garoobaysaan maanta laga bilaabo haddaanu ahayn Mucaarad qabow waxaanu noqonaynaa Mucaaradk Kulul, waxaanu ku baaqi doonaa Banaan baxyo aanu ku xaqiijinayno Amniga,Dimuqraadiyada iyo rabitaankeena” ayuu yidhi Cabdirashiid Xasan Mataan

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS