haatuf.net
Guddida Beelaha Sacad Muuse Oo Taageeray Musharaxnimadda Guddoomiyaha Kulmiye Iyo Nuxurka Go’aano Kale Oo Ay Soo Saareen Xubno Samaale Taabacsan
December 17, 2014 - Written by Admin Two

Hargeysa, impotent December 17, mind 2014 (Haatuf) – Fadhi ay maanta yeesheen Guddida horumarnta Beelaha Waqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa (Sacad Muuse) ayaa taageeray musharaxnimadda guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, therapy kuwaas oo kala saaray saddexda musharax ee isku khilaafsan musharaxnimadda xisbul-xaakimka ee Muuse Biixi, C/casiis Samaale iyo Maxamed Biixi Yoonis.

Musharixiintan ay beeshu kala saartay ayaa qorshahoodu ahaa inay u tartamaan jagadda Musharaxnimadda xisbiga KULMIYE Madaxweyne Siilaanyo dabaddii, waxaana fadhi ay maanta yeesheen oo ay ka soo xaadireen 24 xubnood ay oo cod u qaadeen musharixiinta beeshoodda ee xisbiga KULMIYE.

14 ka mid ah Guddida horumarinta ayaa u codeeyay in uu Muuse Biixi Cabdi noqdo Musharaxa Xisbiga KULMIYE Madaxweynaha Somaliland dabadii, halka ay Wasiiradda Maaliyada iyo Arrimaha dibada Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Maxamed Biixi Yoonis ay heleen 7 cod, 2 Xubnood ay ka aamuseen Guddoomiyuhu-na muu codaynin.

Masuuliyiintan ayaa muddooyinkii u dambeeyay loolan ugu jiray sidii uu mid kastaaba u noqon lahaa Musharaxa Madaxtinimadda Beesha Sacad Musue ee Xisbiga KULMIYE, iyadda oo Beeshuna ay Guddoomiye Muuse Biixi u doorteen Musharaxa KULMIYE marka uu Madaxweyne Siilaanyo hankiisa Siyaasadeed dhamaysto.

Dhinaca kale xubno kooban oo ka mid ah guddida horumarinta beelaha Sacad Muuse oo taabacsan Wasiirka Maaliyaddda Cabdicasiis Samaale ayaa ayaa iyagu shirjaraa’id oo ay ku qabteen huteelka Safaari ku qaadacay go’aankaasi ka soo baxay aqlabiyadda guddida beelaha waqooyiga iyo galbeedka ee Hargeysa, kuwaas oo qaadacay go’aankaas hore.Muuse BiixiXubnaha guddida HOODAALE ee qaadacay go;aanka guddida

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS