haatuf.net
Suldaanka Guud Ee Subeer Awal Oo Haatuf Uga Waramay Go’aanka Guddida Beelaha Galbeedka Iyo Waqooyiga Hargeysa Ku Kala Saareen 3-da Musharax Ee Beeshooda
December 17, 2014 - Written by Admin Two

“Arrintaasi Way Dhamaatay Oo Waa Lagu Kala Adkaaday, arthritis Waananu Ansixinay Go’aanka Ay Ku Taageereen Musharaxnimadda Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi”Suldaan Xasan Suldaan C/Raxmaan

 

Hargeysa, anabolics December 17, here 2014 (Haatuf) – Suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan C/laahi Suldaan C/raxmaan ayaa mar uu maanta Haatuf ugu waramayey khadka telefoonka sheegay inay go’aankii guddida horumarinta beelaha Sacad Muuse ay ku taageereen musharaxnimadda Muuse Biixi inay ka madaxdhaqmeed ahaan ay si rasmi ah u ansixiyeen.

Suldaan Xasan waxa uu sidoo kale go’aan meelna haysanin ku tilmaamay go’aankii ay maanta ka soo saareen magaaladda Hargeysa xubno ka mid ah guddida beesha oo taabacsan Wasiirka Maaliyadda C/casiis Maxamed Samaale. ugu horayna isagoo Suldaanku arrimahaasi ka hadlaya, waxa uu yidhi “Arrintaasi way dhamaatay oo waa lagu kala adkaaday, waxaana lagu khasban yahay mar walba in xaga aqlabiyada aynu raacno guddida horumarinta beelwaynta Sacad Muuse-na go;aanka ay soo saareen ee ay ku ansixiyeen musharaxnimadda Guddoomiyaha Kulmiye waanu aqbalnay, waxaanan bulshadda Somaliland ee sharafta badan u sheegay inaanu ajiibnay oo aanu ansixinay ka salaadiin ahaan go’aankaas”. Suldaan Xasan isagoo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas raaciyey  “Walaalahayga kala ee maanta hadlayna waa xor oo dareenkooda ayuun bay ka hadleen laakiin waxa cidkasta oo beesha ka tirsani ku khasban tahay inay raacdo danta beesha iyo aqlabiyada guddida horumarinta ee HOODAALE”.

Suldaanka guud ee Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan C/laahi waxa uu cod dheer ku shaaciyey in maanta laga bilaabo in musharaxa beesha ee xisbiga Kulmiye inuu noqon doono guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi, kaas oo uu ku tilmaamay in lagu ansixiyey go’aan aqlabiyad ah.

Suldaan Xasan waxa uu sidoo kale guddida horumarinta beelaha galbeedka iyo waqooyiga (Sacad Muuse) uga mahad celiyey go’aanka ay gaadheen iyo hawlihii ay qabteen mudadii ay ku guda jireen hawsha soo xulida musharaxa beesha oo in mudo ah soo jiitamaysay.

Suldaan Xasan

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS