haatuf.net
Madaxwaynaha Somalia Oo Cumar C/rashiid U Magacaabay Raiisal Wasaarihii 3-aad Ee Mudadii Uu Xilka Hayey
December 17, 2014 - Written by Admin Two

Muqdisho, bronchi December 17, 2014 (Haatuf) – Madaweynaha  dawladda Somalia Xassan Sheekh Max’uud ayaa maanta si rasmi ah uga dhawaaqay inuu raysal-wasaaraha saddexaad ee mudadii uu xilka hayey uu u doortay Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo xilka kala wareegi doona Cabdiwal Sheekh Axmed Max’ed, kaas oo la filayo inuu degdeg u soo dhisi doono xukuumadiisa.

Mr Sharmaarke oo isagu hore sida oo kale raysal-wasaare uga soo noqday dowladdii KMG ahayd sannadihii 2009-kii illaa 2010-kii, isagoo xilka uga tagay khilaaf soo dhexgalay isaga iyo madaxweynihii xiligaas Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Dhinaca kale lama oga magacaabista Cumar C/rashiid waxa ay ka badali doonto khilaafyada ay caanka ku noqdeen madaxwayneyaasha iyo raysal-wasaarayaasha Somalia, kuwaas oo mar walba isku khilaafa maamulka xukuumadda, isla markaana ay inta badan sababta in is-casilaad lagu cadaadiyo raysal-wasaarayaasha.

Raysal Wasaaraha Cusub Ee Somalia

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS