haatuf.net
Jaamacadda Gollis Oo Burco Ku Qabtay Shir Lagu Qiimaynayey Qorshihii Jaamacadda (Strategic Plan) Ee 2010 Ilaa 2015-Ka, Looguna Gogol Xaadhayey Qorshaha Cusub Ee 2015-ka Ilaa 2020-Ka+Daawo Sawiradda
December 18, 2014 - Written by Admin Two

Hargeysa, unhealthy December 18, viagra sale 2014 (Haatuf) – Jaamacadda Gollis ayaa  magaaladda Burco ku qabatay shir lagu qiimanayey wixii u qabsoomay qorshihii Jaamacadda (Strategic Plan) ee shantii sano ee hore ee laga soo gudbay ee 2010-kii ilaa 2015-ka, kaas oo lagu naaqishay waxyaabihii ka qabsoomay qorshyaashii u dajisnaa iyo wixii aan u qabsoomin labadaba.

Wafti ka socda maamulka guud ee Jaamacadda Gollis oo uu  hogaaminayey guddoomiyaha Jaamacadda Gollis Dr Siciid Axmed Xasan ayaa u tagay magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer sidii ay furi-lahaayeen shirkaas ujeedadiisu ahayd sidii loo qiimayn lahaa qorshihii jaamacadda ee shantii sano ee la soo dhaafay isla markaana loo dhigi lahaa qorshaha cusub ee shanta sano ee soo socda (Strategic Plan) 2015-ka ilaa 2020-ka, kaas oo lagu soo bandhigay halkaasi qorshaha cusub Jaamacadda mustaqbalka.

Shirkaas oo ka qabsoomay Hotel City Plaza ee magaaladda Burco isla markaana ka socday mudo laba cisho ayaa waxa ka soo qaybgalay maamulka Gollis University ee magaalooyinka Hargeysa, Berbera, Burco iyo Ceerigaabo iyo macalimiin iyo khabiiro ajaanib u badan oo ka hawl-gala Jaamacadda, kuwaas oo halkaas  ku falan-qeeyey sida ay u kala mudan yihiin qorshaha jaamacadda ee shanta sano ee soo socda.

Ugu horayn guddoomiyaha jaamacadda Gollis Dr Siciid Axmed Xasan oo halkaas ka hadlay ayaa si qoto-dheer uga xog-waramay marxaladihii kala duwanaa ee ay jaamacadu soo martay mudadii ay jirtay, kaas oo ku dheeraaday duruufo adag oo ay la soo mareen hirgalinta jaamacadda Gollis oo wakhtigan ka mid ah kuwa ugu tayada iyo ardayda badan jaamacadaha ka jira Somaliland, isla markaana taas ku kasbatay sumcad faro-badan oo ay ku yeelatay mandaqada iyo dunidaba.

Dr Siciid waxa kale oo uu tafaasiil ka bixiyey heerka ay wakhtigan marayso Jaamcadda Gollis oo uu ku tilmaamay marka loo eego halkii ay ka soo bilaabeen laba marxaladood oo aad u kala fog isla markaana ay dedaal badan galiyeen sidii ay jaamacadaasi u noqon lahayd mid waxwayn ka tarta kobcinta aqoonta dhalinyaradda Somaliland oo baahi badan u qabtay wakhgtigii la aas-aasay oo ay u keeneen Kuuliyado aan hore dalka looga heli jirin oo in badan oo dhalinyarada dalkani mahadisay.10402724_1581860388716200_7364069005868921428_n1920308_1581855392050033_6337519944768202877_nIMG_3164

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS