haatuf.net
Maxaa Ka Dhexeeya Madaxtooyada Somaliland Iyo Dillaaliinta Carbeed ? Hambalyooyinka Madaxtooyada Iyo Lafo-Gurka Yool-Ka
December 19, 2014 - Written by Admin Two

Hargeysa, search December 19, clinic 2014 (Haatuf) – Warsaxaafaddeed kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland Khamiistii Shalay, ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) dhambaal hambalyo ah u diray shacbiga iyo dawladda Qadar xuska maalinta qaranimada dalkaasi oo ku beegnayd 18 bishii December oo ay xoriyaddeeda ka qaadatay boqortooyada Ingiriiska sanadkii 1971-kii.

Madaxweynaha ayaa dhambaalka uu soo saaray si gaar ah ugu socodsiiyay Amiirka dalka Qadar Sheekh Tamiim Bin Hamad Althani, kaasoo isaga iyo shacbigiisa ugu duceeyay inuu Alle sanadka kiisa kale ku gaadhsiiyo bash-bash iyo Barwaaqo.

Qoraalka Madaxweyne Siilaanyo soo saaray oo aad u kooban, ayaa nuqul ka mid ahi soo gaadhay War-qabadka Wargeyska Yool, waxaanu u dhignaa sidan “Madaxweynuhu waxa uu dhambaalkiisan Hambalyada ah u dirayaa Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Hamad Althani iyo shacbiga Isu-taga Imaaraadka Carabta oo ah Dal iyo dad aynu walaalo nahay oo ay inaga dhaxayso xidhiidh walaaltinimo oo soo jireen ah.

Ugu danbayn waxa uu Madaxweynuhu Dawlda Alle uga baryayaa inuu sanadka sanadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash barwaaqo iyo Rayn-rayn,”ayuu yidhi.

Haddaba, Maaha markii u horaysay ee uu Muddo bil gudaheed ah uu Madaxweyne Siilaanyo hambalyo noocan oo kale ah u diro mid ka mid ah waddamada Ururka Jaamacadda Carabta oo u dabaal-degaya xoriyadiisa, taasoo ah siyaasad ku cusub mowqifka Somaliland ee ku aadan macaamilka Dawladdaha Carabta oo badankoodu si aad ah uga soo horjeeda qadiyada gooni-isutaaga dalka.

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa labadii bishan December Beyaan hambalyo ah u diray Dawladda isutaga Imaaraadka Carabta, taasoo uu ku bogaadiyay xuska 45-guurada ka soo wareegtay midowgii Imaaradaha Carrabta oo ku beegnayd 1-dii iyo 2-dii Bishan December.

Dadka ka faallooda arrimaha diblomaasiyadda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah, ayaa ku micnaynaya ujeeddada ka dambeysa fariimaha madaxweyne Siilaanyo ku hambalyeynayo maalmaha xoriyadaha Carabta laba qodob midkood uun.

Inuu doonayo inuu xidhiidh cusub oo diblomaasiyaddeed la yeesho maamulkiisu, si uu qadiyada madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland u dhex geeyo Ururka Jaamacadda Carabta oo aad uga soo horjeeda kala googeynta Soomaaliy-weyn iyo inuu ka xod-xodanayo Taageero dhaqaale oo ka door-roon mashaariicda yar-yar ee ay Hay’addaha Islaamiga ah ee Carabtu soo wakiilataa ka wadaan wadamada Geeska Afrika oo ay Somaliland ku jirto.

Siyaabo kala duwan, ayaa loo kala turjumaya Hambalyada Madaxtooyada Somaliland u dirtay Qadar iyo AUE, waxaana xeel-dheerayaasha siyaasadda Gobolku ku dooddayaan inay labada mandaqadood ku kala duwan yihiin qadiyada Somaliland, isla markaana dawladda Qadar uga dab-debecsantay arrimaha Somaliland Isutaga Imaaraadka Carabta.

Waxaanse la hilmami Karin Dooxa iyo Abu-dubai labaduba dilaaliin ka yihiin qorsheyaasha caalamka ee ku aadan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee aan wali ajandaha cad lahayn.

Dadka qaar dood ka soo celiyay beyaankii bishan bilowgeedii ka soo baxay qasriga Madaxtooyada Somaliland, ayaa sheegay inay Xukuumadda Axmed Maxamed Siilaanyo aad ula dhacsantahay qaab-midowga shanta Imaaraddood ee isu-taga Carabta (AUE), laysku yidhaahdo oo in Soomaliland iyo Soomaliya lagu Mideeyo aragtiyo Caalami ah lagu soo bandhigay.

Aragtiyo kale, ayaa iftiiminaya inay Siyaasadda Somaliland oo xidhiidhka Caalamku markii hore Biriijkeedu ahaa Dalka Itoobiya, uu intii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo talada qabatay, isu bedelay khadkii isku xidhka dunida iyo Somaliland isku xidhaha u ahaa Dubai iyo Turkiga , kuwasoo aad moodo inay ku jiiteen balag dhaqaale, oo ay luleen xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Source: Somalilandtomorrow

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS