haatuf.net
Madaxwayne Siilaanyo oo Aamusni Ugu Socdaalay Dalka Djibouti Oo Uu Kula Kulmayo Madaxwaynaha Somalia
December 20, 2014 - Written by Admin Two

Hargeysa, order December 20, allergist 2014 (Haatuf) –  Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta dalka kaga dhoofay aamusni, bronchi kaas oo u socdaalay dalka Djibouti oo uu kula kulmayo madaxwaynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxwayne Siilaanyo ayaa isagu intii aanu ka dhoofin madaarka Hargeysa aan la hadlin warbaahinta, isla markaana aan tafaasiil ka bixinin sababta uu ugu baqoolayo dalka Djibouti.

Sidoo kale wada-hadalka Siilaanyo iyo Xasan Sheekh ku yeelanayaan dalka Djibouti ayaan la garanaynin sababta wakhtigan keentay, taas oo wasiirka khaarajiga oo isagu warbaahinta kula hadlay madaarku u sheegay in wada-hadaladii Somaliland iyo Somalia ee hore u socday in loo wareejiyey dalka Djibouti.

Dhinaca kale Xukuumadda Xamar ayaa u muuqata mid ka cago jiidaysa wada hadalka labada dhinac maadaama ay jabisay qodobadii hore loogu heshiiyay oo ay ugu muhiimsanayd inay labada dhinac wada jir u maamulaan hawadda.siilaanyo1

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS