haatuf.net
Shir Ka Dhacay Magaaladda Arabsiyo Oo Lagu Lafa Gurey Horumaarinta Degmadas
December 20, 2014 - Written by Admin Two

Arabsiyo, erectile December 20, clinic 2014 (Haatuf) – Kulan lagaga hadlayey horumarka degmada Arabsiyo oo lagu qabtay isla degmadas ayaa waxa ka soo qayb aqoonyahano iyo xildhibaano ka soo jeeda deegaankaasi oo ka arinsaday sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha aas-aasiga ah ee ka jira degmadda.

Kulankaasi oo ka qabsoomay hudheelka Alla Aamin ee magaladda Arabsiyo ayaa waxa soo qaban qabiyey Muxiyadiin Cabdi Cali Barkhad iyo dhaliyaro kale ka hawl galay sidii degmada Arabsiyo ula jaanqadi lahayd horumaarka ka socda deganada qaarkod ee degmoyinka gobolada dalka. Waxana ugu horayn kulankaas ka hadlay Muxiyadiin Cabdi Cali Barkhad isagu sheegay inuu ku faraxsan yahay qabashada kulankan isagu mahaadnaaq baladhan ugu mahad celiyee ka soo qaybgalayaha sababta marka ugu horeysay uu shirkan ababuulkiisa iyo qabashadisa xil weyne iska saraay sidii gacmaha laa iska qaban lahaa oo laga wada tashado danaha degmada Arabsiyo ee dhanka horumarka ah. Waxa kalo isna kulankas ka hadlay Eng. C/raxmaan Cali Danfe oo mahadnaaq baladhan uu soo jeediyee ka qayb galayaasha shirkan, herbal waxana hadaladisa ka mid ahaa. “Magaaladdan oo runtii add uu hooseyoo tayada waxbrasho ee Dugsigii Sare degmadda, waxana waajib inagu tahay sidii aynu kor ugu qaadi lahayn oo ay meesha uga bixii lahayd in Waxbarasho loo doonto Hargaysa.” Sidoo kale waxa isna hadal yar oo kooban ka jeediye Dr. Ciise Cabdi Jaamac oo ah masuul Madaxa HR-ka Wasarada Caafimaadka iyo Ururo Caalamiya oo ay ka mid yihiin hay’adda caafimaadka ee MSF oo isagu u mahad celiyey dhalinnyarada soo abaabushay munaasibadaasi oo uu ku tilmaamay mid ahmiyad wayn u leh degmadda Arabsiyo.

Dr Ciise Cabdi Jaamac isagoo arrimahaasi ka hadlaya, waxa uu si kooban u yidhi “Waxa la inooga baahan yahay inaynu  qorshaha horumarineed aynu ku darsano ajandaheena si aynu u yeelano ama ay magaaladdan mihiimada wayn u leh dalkani ay u yeelan lahayd Cisbitaal kafeeya baahiyaha caafimaad ee ka jira deegaanka maadaama degmaddan Arabsiyo ay hoos yimaadaan tuulooyin badan oo aanay u dhoweyn xaruumo caafimaad isla markaana meesha keliya ee ugu dhaw Cisbitaalna ay tahay Gabiley ama Hargeysa”.ArabsiyoDr Ciise

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS