haatuf.net
Siilaanyo Iyo Xasan Sheekh Oo Wada-hadalo Toos Ahi Djibouti Uga Furmeen, Daawo Sawiradda
December 20, 2014 - Written by Admin Two

Hargeysa, clinic December 20, 2014 (Haatuf) – Wada-hadalo toos ah aan tafaasiil laga bixinin ayaa maanta uga furmay hoteelka Kaambiisi Magaalada Djibouti Madaxweyneyaasha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo Somalia Xasan Sheekh.

Kulankan ayaa daba socday shirarkii hore uga dhacay Turkiga iyo Ingiriiska ee dhex maray labada dhinac,

Inkastoonay labada dhinac si rasmiya u qeexin waxyaabaha ay ka wada hadlayaan, hadana marka la eego qorshihii bilowga ee beesha caalamku ka shaqaysay, waxa labada dhinac ka wada hadlayaan nooca uu noqon doono xidhiidhkooda mustaqbalku. “kala go’ ama midnimo”, isla markaana arrintaasi ayaan dhamaan shirarkii hore oo dhan aan lagaga hadlin, laakiinse waxa lagu soo qaaday wada shaqayn, isku soo dhawaanshiyo iyo qaybsiga dhaqaalaha oo wax ka fulay aanay gabi-ahaanba jirin.

Halkan hoose ka daawo Sawiradda.xasan sheik iyo siilanyoxsh

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS