haatuf.net
Marxuum Maxamed-Rashiid: Gole Igu Bannaanaa Wallee Garab La’aaneede,, Qalinka: Hassan Hussein Abdillahi Hassan Keefkeef
December 30, 2014 - Written by Admin Two

Subaxii hore ee saaka, abortion markii aan toosay warkii iigu horreeyey ee aan ku waa-beriistay saaka markaan toosay waxa uu ahaa, ambulance geerida naxdinta leh ee Alla ha u naxariistee Marxuum Maxamed-rashiid, oo aniga si gaar ah ii taabatay geeridiisu, si gaar ahna u tebi doono kaalintiisii.

Xalay saacadihii dembe oo aan ka war hayay operation qalliiinah oo marxuumka lagu samaynayay, qadarka alle ka sokow waxaan in badan ugu ducaynayay in lagu guulaysto, hase yeeshee Marxuumku wuu allaystay, murugo iyo naxdin aan waxba ii tarayn oo geeridani igu reebtayna waxa ka haboon marxuumkana wax u taraya inaan u duceeyo, idinkuna aad u ducaysaan in alle subxaana wa tacaalaa uu u nuuro xabaasha, iilka neecaw qabaw iyo uu ku siiyo naruuro, qoyskii, qaraabadii, shacbiga Somaliland gaar ahaanna bahda saxaafadda Somaliland ee uu ka baxayna, Alla Samir iyo iimaan saadiq ah inaga siiyo.

Anigu Maxamed rashiid si gaar ah baan u tebayaa, baalashayda midkood ayuu ahaa, alla ha u naxariisto.   waxaa uu ahaa astaanta lagu garto xorriyadda Saxaafadda ka hana-qaaday Somaliland, iyadoo uu goor wal iyo goob kasta la taagnaa badheedhe uu ku difaacayo xaquuqda rayi-dhiibashadda iyo in dadku fikirkooda si xor ah u dhiibtaan. Si gaar ahna waxaa aanan mar kaliya ilaawayn doorkii uu Bahda Hubaal u barbar taagnaa. marxuumkan oo kartidda Eebaha sareeya ee hufani u dhaliyay awgeed, u muuqday Dayrka col iyo cadaaweba kaga gudban inta u dhaq-dhaqaaqda xuquuqda aadamaha dib ayaynu taariikhdiisa oo faah-faahsan ka soo gudbin doonaa.

MArxuumka waxa isugu kaaya dembeysay habeennimadii khamiistu soo galaysay ee toddobaadkii hore oo uu ii dhiibay Kaadh Aqoonsi [ID] SOLJA ah oo aan leeyahay, kaasi oo sawirkayga, magacayga iyo Lambarka xubinimadayda SOLJA ku xardhan yahay. “Hoo, Waa ID-gii Xubinimada [Membership] SOLJA ee hayso waa xubinimadaadiiye| sidaa ayuu igu yidhi oo ahayd hadalkii iigu dembeeyey ee aanu is weydaarsano habeenkaas oo aanu ku kulanay Xarunta wargeyska Saxafi ee magaalada Hargeysa. Bil-amaara waxa habeenkaas aloosnayd xaraarada shirweynaha 5aad ee SOLJA oo Khilaafkiisu shareernaa. Markuu kaadhka ii dhiibay ayaan idhi “Oo Ma Shirweynaha Berri Ayaa lagu tegeyaa?”, “Maya marti qaadkii maaha eehayso, haddaad doonto waad ku tagi kartaa oo waa aqoonsigaagii” ayuu yidhi”.

Innaa Lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun…kullu nafsi daa’iqatul mawt. Waxaan maqli jiray uun sheeko baralley Soomaalidu soo xigato, waqtiyadan oo kale, Waxbaana ka jira Marka ay leeyihiin Geeridu waxa ay ku wanaagsan tahay Geel-jire iyo Nimaanad garanayn”, waayo qofka aad aqoonta dheer isu leedihiin, isku xirfadda tihiin, waxyaabo badan iyo marxalado kala duwanina idin wagaajiyaan, geeridiisu naxdin aanad filayn bay kugu reebaysaa, xataa inta aad aad gefto ayaa Illaahay oo “Facaalu-limaa-yiriid ah” aad awoodihisa ku faro galinaysaa. Alla ha u naxariiso ayaan leeyahay, Marxuum Maxamed rashiid iyo ummada kale ee muslimiinta ahba.

Waxaan ku khatimayaa qoraalkan kooban ee baroor diiqda ah tix dhaxal gal ah oo uu lahaa abwaankii weynaa ee Cali Jaamac Haabiil. Waxaanay tahay sidan: “Gudcurkiyo Caddadu Waa Walaal Kalase Guul Roone

Gaadiid Ia Dhaanshuu Ahaa Gibil Ma Diidaane

Gole Igu Bannaanaa Wallee Garab La’aaneede

Guraduu Na Wada Saari Jirey Gocanayaa Mooyi”

Qalinka: Hassan Hussein Abdillahi Hassan Keefkeef]}

 

Marxuum-80x106

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS