haatuf.net
Geerida Maxamed-Rashiid: Garab La’aanta Saxaafadda Iyo Xoriyadda Xoriyatul-Qawlka W/Q: Siciid Khadar
January 1, 2015 - Written by Admin Two

Qalbigaan ka ooyayaa, buy cheap | waan Naxsanahay oo waan Murugaysanahay. Qadarka Alle waa halkiisee, pills balaayaa dhacday oo Habeen baas baa noo dumay !!. Horaa loo yidhi, order Geeridu Nin aan la garanayn iyo Geel jiray ku fiican tahay.

Niyad xumadayda muuqata, Rajadayda Xun, Daaqada igu Bannaanaatay iyo Naftayda Qalbiga ka hiqlaynaysa, hadii aan Abwaan ahaan lahaa, Caawa gabaybaan tirin lahaa, Geeraar ama Hees baan ku muujin lahaa Naftaydu Xaaladay ku jirto. Ma aha kaliday Qofka Murugaysani ee waa Dhammaan Shacbiga Reer Somaliland, gaar ahaan inta u Dooda Xoriyada Hadalka, siiba Bah-waynta Saxaafada Somaliland. Waa Qof kasta oo Aqoon u lahaa Shaqsiyadii Dahabiga ahayd ee Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax.

Maxamed rashiidQof kasta oo Maqlay Dhimashada Marxuumka waa ilmeeyey, waana ooyayay. Dad badan ayaan indhahooda ILmo ku hubaa. Inuu ahaa Qof wanaagsana waxa Markhaatigooda furay Shacbigii Meel kasta qarqiyay ee ka soo Qayb galay Aaska Marxuumka. Ma shaqadii Airport-ka ee Badnida Dadka aaska tagayay qar qiyeenbaa, Ma Baabuurtii Galbinaysay Maydka Marxuumka ee     kala waayay meel ay kala maraanbaa, Ma Dadkii meel ay maraan kala waayay iyo meel aya kala istaagaan Goobtii Xabaashaa……aheey ah! Maxmed-rashiid na ma hoyday! Maxamed-rashiid na Managa tagay!  Maxamed-rashiid na ma god galay !!     Waan qiiraysanahay, waan murugaysanahay, gabbal baas oo Madaw ayaa Saxaafada u dumay. Waxa taa ka daran ilmada ka da’aysa iyo Niyad xumada ka muuqda Kooxihii Xoriyada Hadalka iyo kuwii taageersanaa ee uu Hadh iyo Habeenba u Dagaalami jiray. Waa Dadkii uu goor iyo ayaan u Doodi jiray.

Waa la aasay Marxuumka, Saxafi Maxamed-rashiid Muxumed Faarax. Waa Xoghayihii Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA. Laba Maalmood ka hor ayuu Gaadhi la dhacay, Khamiistii, 28 December, 2014 abbaaro Kawdii Duhurnimo. Isaga iyo Guddoomiye ku xigeenka Solja Maxamed Cabdi Curad, waxa Wehelinayay Saxafiga C/casiis Bashiir Nuur. Waxay ku socdeen Magaalada Berbera oo Gaadhigu Duleedkeeda kula dhacay. Marxuumku wuxuu u dhintay Jugtii Gaadhiga ka soo gaadhay. Sida ay Dhakhaatiirtu sheegeen, wuxu Dhaawac wayni ka soo gaadhay Laf-dhabarta. Dhakhaatiirtii Dalku markay waxba ka qaban kari waayeen waxa loola cararay Cisbitaal ku yaala Magaalada Nayroobi. Halkaasi ayay ahayd goobtii ay Naftu kaga baxday iyada oo Qalniin lagu samaynayo. Abbaaro Lixdii Subaxnimo ee Maalintii Sabtida ayaa warkaasi Ummada soo gaadhay. ILaahay ha u Naxariisto.

KUMUU AHAA MAXAMED-RASHIID

Maxamed_rashiidMarxuum, Xoghaye Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, wuxuu ahaa S haqsi ku sifoobay Mayal adayg, Karti badan, Daacadnimo, Aftahanimo, u gar gaarida Dadka dhibaataysan iyo u doodida Saxafiga ama Saxaafada lagu gafo. Wuxu ahaa Nin Hoo leh. Wuxu ahaa Nin Haybad leh. Nin Dhaqan fiican buu ahaa oo aanay Qofnaba is diidin. Wuxuu ahaa Nin Garab leh oo Gaashaan leh. Wuxu ahaa Nin Dantiisa ka hor mariya Danta Qof kasta oo dhibaataysan, gaar ahaan Saxafiyiinta Madaxa Bannaan iyo Xarumahooda. Wuxu ahaa ijiinka ka dhex shidan Wargeyska Saxafi oo Aasaasayaasha iyo Mulkiilayaashaba ku jiray. Wuxu ahaa Ninka kaliya ee Ururka Solja ka shaqeeya. Wuxu ahaa Qof Asxaab badan oo Dad jecel. Wuxu ahaa nin ku caan baxay u gargaarida Dadka dhibaataysan. Goor wal iyo had iyo jeer arintaasi ayuu Mudnaanta siin jiray. Wuxu ahaa Nin ku caan baxay joogtaynta Halganka Xorriyada Saxaafada Madaxa Bannaan. Wuxu ahaa Nin fur furan, Sheeko badan, kaftan badan oo Dacaayad badan. wuxu ahaa Ninka kaliya ee Saxafi kasta oo dhibaato soo gaadho markaba Xasuusto. Wuxu ahaa nin aan Dadka iska waynayn oo aan isla waynayn, kibirna lahayn. Wuxu ahaa Ninka kaliya ee buuxiyay Kaalintii uu banneeyey Aabihii Xoriyatal-Qawlka iyo Saxaafada Madaxa Bannaan ee Somaliland ee Marxuum, Maxamuud Cabdi Shide oo Tuur lagu Naanaysi jiray.

Tifaftiraha Wargeyska Saxafi, Mustafe Sheekh Cumar, sida uu ku sheegay Qoraal uu kaga sheekaynayay Taariikhda Marxuumka, Maxamed-rashiid wuxu ku dhashay Magaalada Hargeysa, Sannadkii 1975. Hargeysa ayuu ku koray ku kobcay kuna bar baaray. Waxbarashadii Hoose, Dhexe iyo Sareba, Hargeysa ayuu ku qaatay.

Wuxuu la dhashay todoba wiil iyo hal gabadh, oo mid ka mid ah mooyaane ay inta kale nool yahiin, Aamina, Cabdiraxmaan, Jimcaale, Axmed, Caalim, Xuseen, Khaalid iyo Xamse, wuxuu ifka kaga tagay Xaaskiisa.

Maxamed Rashiid wuxuu ku soo biiray bahda warbaahinta Somaliland sannadkii 1995-kii isagoo ka mid ahaa dhalinyaradii madaxda u noqotay wergeyskii Jamhuuriya waagaasi, 1996 kiina wuxuu noqday madaxii iib gaynta ee shariikaddii NPP oo waaga ahayd shariikadda ugu weyn ee dhinaca daabacadaha ee Somaliland ka jirtay oo uu lahaa alla ha u naxariistee ganacsadahii weyna ahaana Aabahii warbaahinta Maxamuud Cabdi Shide.

Sannadkii 1998-kii ayuu ka mid noqday Bahdii Yuusuf Cabdi Gaboobe la aas-aastay wergeyska HAATUF, wuxuuna muddo kooban, ka dib furtay wergeyskii seddexaad ee ka hanaaqaday Somaliland ee Saxafi, wergeyskaasi oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee Somaliland hadda ka jira.

Sannadkii 2010 kii ayaa loo doortay inuu noqdo xoghayaha guud ee ururka SOLJA, isagoo noqday hogaankii ugu miisanka cusla uguna waxtar badna ee abid taariikhda inta ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA jiray soo maray, intii uu xilka xoghayaha guud ee SOLJA ahaa waxaa lagu xasuusta weriyayaashii tirada beelay ee xukuumadda Siilaanyo xabsiga ku gurtay oo uu dhexda u xidhay inuu xabsiyada ka soo daayo, wuxuu sidoo kale dagaal weyn ka gallay xeer ay xukuumadda Siilaanyo ugu tallo gashay inay saxaafadda xorta ah ee Somaliland ku cabudhiso.

Alla qabriga ha u nuuro, hana mariyo jidkii saalaxiinta iyo ambiyada eh Maxamed Rashiid Muxumed Faarax Caalim waxaa lagu xasuusta safaradii aan joogsiga lahayn ee uu habeen iyo maalinba iskaga kala gooshi jiray gobolada iyo degmooyinka dalka si u usoo ogaado xaaladda suxufiyiinta iyo weriyayaasha Somaliland, wuxuu socdaal ku tagay Laascanood ilaa Saylac isagoo xabsiyada ka sii daayey tobaneeyo suxufi oo xukuumadda Siilaanyo xabsiyada ku gurtay.

Waxaa lagu xasuusta halkarnimadiisii, hawlkarnimadiisii, hal adaygiisii, higsigiisii, haldoornimadiisii, iyo halgankii dheera ee uu usoo gallay warbaahinta xorta ah ee Somaliland, wuxuu tacadiyo iyo cagajuglayn aan joogsi lahayn uu kala kulmay intuu xilka hayey xukuumadda Siilaanyo.

Dhammaanteen aynu wada jir ugu Ducayno Wallaalkeen, Saxafigii ruug-caddaaga ahaa ee Marxuum, Maxaxmed-rashiid Muxumed Faarax oo Subaxnimadii Saaka ku geeriyooday Magaalada Nayroobi ee Dalka Kiiniya. Waxaan ilaahay uga baryayaa inuu u Naxariisto oo u Nuuro Xabaasha. Iilka Neecaw udgooniyo, Naruuro ku siiyo. Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii, Bahda Saxaafada iyo guud ahaanba Saxafiyiinta Somaliland ayaan ka Tacsiyadaynayaa Geerida Naxdinta leh eek u timid Marxuum,Saxafi Maxamed-rashiid Muxumed Faarax.

SANNADKA 2014: SANNADKII SAXAAFADDU HOOBATAY

Sannadka 2014, Naxdin waynaa, fool adagaa, dhimashada Saxaafadu badanaa oo inagu Naxdin waynaa. waa Sannadkii ugu Xummaa ee Warbaahinta Somaliland soo mara. Waa Sannad ku kawsaday Geeri ku timid Saxafi Ruug Caddaa ah, kuna Dhammaaday Geeri Saxafi Ruug Caddaa ah.

Horaantii Sannadkan waxa Geeriyooday Marxuum, Saxafi Siciid Ismaaciil Guraase oo Waqtigaasi Tifaftire ka ahaa Wargeyska Himilo iyo Wargeyska Waaheen. Bishii January 11-dii ayay ahayd, markii war dhiilo badan Xambaarasni uu soo gaadhay Bulshada Reer Somaliland, gaar ahaan Bahda Warbaahinta. Geerida Marxuum Siciid Ismaaciil Guraase ayaa ahayd mid meesha ka saarta Udub-dhexaad jirid wayn oo ka baxay Beesha Warbaahinta Dalka, gaar ahaan inta ku abtirsata Madax Bannaanida.

Badhtamihii Sannadkan, waxa Xijaabtay, Marxuum, Qoraa, Saxafi Maxamed Maxamuud Kastam. Waxa iilka la dhigay 12kii Bisha June,2014. Marxuum Kastam waxa uu ahaa Khabiir waayo arag ah oo Muddo dheer ku soo shaqeeyey Mihnada Saxaafada. Geeridiisuna waxay ahayd Mid si wayn looga naxay. Marxuumku wuxuu ka mid ahaa Ruug caddaaga Saxaafada Madaxa Bannaan ee Somaliland.

Isla Sannadkan waxa Geeriyooday Halyay kale oo ka mid ah Ruug-Caddaayada ay ku faani jirtay Saxaafada Somaliland. Waxa geeriyooday Marxuum, Saxafi, Qoraa Cabdiwali Faarax Jaambiir. Todobada Bishii Augost ee isla Sannadkan ayaa Marxuumkaasina uu Xijaabtay. Geeridiisuna waxay ahayd Laanbad ilays wayn oo ka bakhtiday indhihii ay Warbaahintu wax ku arkaysay. Labadoodaba Eebe ha u Naxariisto ee Faataxada u mara.marxuumiinta

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS