haatuf.net
Qabyaalad Daadejintii Qaranka Dil Dilaacisay Ayaa SONYO La Gaadhsiiyey , Khilaafkoodana Way Dhamaysan Karaan Haddii Loo Daayo Iyaga. Qalinkii Dr Culimo
January 4, 2015 - Written by Admin Two

“Khilaafku ceeb maaha , drugs aragtiyo iyo afkaar kala duwana dadku way yeelan karaan. Ururadda bulshada ee SONYO ka mid tahay shirarkooda khilaaf wuu ka dhici karaa, troche wuuna ka dhici jiray. Shuruucda iyo xeerarka u yaala ayaa lagu maarayn karaa is faham la aan kasta oo ka dhex dhalata ergooyinka shirka iyo masuuliyiintaba.

SONYO waa qaan gaadh, generic waayo- aragnimo ku filana way u leeyihiin xalinta khilaafaadka Khilaafka SONYO waxaa murgiyey siyaasiyiinta, waxaanay u muuqataa in shirka ay mucaarad iyo muxaafidku ku hirdameen. Shir beeleedyaddii tiro beelay ee sanadahanba socday ayaa iyaguna saameeyay quluubta dhallinyaradda.

Bulshaddu may siinin SONYO fursad ay khilaafkeeda ku xaliso. Hubkii ugu cuslaa ee la isku isticmaalayna wuxuu ahaa saxaafadda oo sii hurisay khilaafka iyo kala fogaanta labadda dhinac.

Waxaa haboon in dhallinyaradda fursad loo siiyo inay khilaafkooda xaliyaan. Xalka ugu haboon ee dhallinyaradda isku keeni kara waxaa keeni kara oo kaliya dhallinyaradda iyo dadka SONYO xogogaalka u ah.

Waxaan talo ku bixin lahaa in dhallinyaradda SONYO inta loolamaysa maahee inta kale arrinta soo dhex gasho oo la isku soo dhaweeyo dhallinyaradda. Khilaafka SONYO ka dhex jiraa wuxuu dhaawac gaadhsiiyey sharaftii aynu lahayn, wuxuuna horseed u noqon karaa taariikh xumo ina haleesha iyo raad arooryo oo dib loo qaado. .

SONYO waxay ka mid tahay ururadda qaranka badbaadin doona maalinta loo baahdo. Sidaas darteed xarkii qaranka galay intaanu wada gaadhin halaga mooso.

Dad badan ayaa ku hawlan xalinta khilaafka SONYO ee gacan fiican ha la siiyo. Wanaaga, wadajirka, midnimadda iyo walaaltinimaddana ha laga horaysiiyo dan kasta ”.Dr Maxamed Yuusuf (Culimo).

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS