haatuf.net
Saddexda Xisbi Qaranka Iyo Komishanka Doorashada Oo Ka Wada Hadlay Arrimaha Doorashada
January 22, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, doctor January 22, 2015 (Haatuf) – Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa maanta kulan saacado qaatay la yeeshay Saddexda Xisbi Qaran. Kulanka ayaa lagu lafo guray hawlaha doorashooyinka ee ay wadaan guddida iyo halka ay marayaan.

Gudoomiye xigeenka Kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin  Axmed, ayaa ugu horayn Saxaafadda la hadlay kulanka ka dib “Waxaanu iska aragnay inay Komishanku Xisbiyada warbixin ka siiyaan hawlihii ay gacanta ku hayeen ee Doorashada.hawlahaas waxaa ka mid ah Qandaraasyadii ay bixiyeen oo ay qayb ka yihiin Wadamada inaga taageera Doorashada, kuwaas oo laba qandaraas ah oo ah Qalabkii diwaangalinta lagu galayay iyo Kii Doorashada lagu galayay” ayuu yidhi Maxamed Kaahin.

Kuxigeenka Musharaxa Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa isna Sheegay inay Guddida ka dhegaysteen Warbixin islamarkaana ka wada hadleen hawlaha u qabsoomay intii ay kala maqnaayeen “Sidaas la sheegay waxaa baxay laba qandaraas oo Caalami ah,waxaa la sugayaa safarraddii Gobolada loogu bixi lahaa ee lagu soo qiimaynayay Goobaha diwaangalintu ka dhici doonto iyo kulamo lala yeelanayo Asxaabta Gobolada iyo Madaxda Gobolada ee Badhasaabada, Hay’addaha amniga ee gobolada iyo degmooyinka iyo waxyaabo la mid ah, waxay wadaan sidii ay u shaqaalaysiin lahaayeen Shaqaalihii Gobolada iyo degmooyinka, markaas waxay noo muujiyeen kalsooni waanay na qancisay siday wax u wadaan” ayuu yidhi Mr Cabdirashiid.

Cabdirashiid Riyo Raac oo Xisbiga Waddani ka socday ayaa sidoo kale sheegay inay u bogeen sida Komishanku hawlaha u wadaan. Waxa uu sheegay in Qandaraasyada la siiyay Shirkadda keenaysa Qalabka Diwaangalinta iyo ta Bixinaysa Tababarada iyo adeegyada kale ee doorashada la filayo inay dhawaan soo jawaabaan.

Guddida doorashada ayaa ku hawlan sidii ay badhtamaha sanadkan dalka uga hirgalin lahaayeen Doorashada Madaxtooyada iyo Baarlamaanka. Waxaan wali qabsoomin diwaangalinta Codbixiyeyaasha, sidoo kalena lama cayimin wakhtiga doorashada oo marka hore u qorshaysan 26-ka June 2015-ka.

Saddexda Xisbi qarank

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS