haatuf.net
Hargeysa Oo Noqotay Hoyga Dad-Qalatada Iyo Hay’addaha Ammaanka Oo Fashilmay Ugu Yaraan Shan Qof Ayaa Lagu Dilay Caasimada Saddexdii Todobaad Ee U Dambeeyay
January 24, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, abortion January 24, herbal 2015 (Haatuf)  – Ammaanka Caasimada Hargeysa, viagra order ayaa sii xumaanayey Bilihii ugu dambeeyey, xilli ay Hay’addaha nabad-gelyada ee heer Gobol iyo heer Qaran-ba ku mashquulsanyihiin Shaqooyin ka baxsan howlaha loo xilsaaray, ee ah sugida ammaanka Muwaadiniinta oo ah adeegyada aasaasiga ah ee dawladda lagu waajib-yeelay, dastuurkuna ku waajibiyey.

Ugu yaraan Shan qof ayaa lagu dilay Magaalada Hargeysa, Saddexdii Todobaad ee u dambeeyay, kuwaasoo si gooni gooni ah loogu khaarajiyey goobo kala duwan oo Magaalada ah, wakhtiyo fiiddadow ah habeen ah, oo dadku soo wada jeedo.

Dilalkan oo sida dad shacab ahi  sheegayaan badankooda ay geystaan Tuug bahalowday oo Magaalada ku soo badatay, ayaa waxa inta badan lagu fuliyaa ama loo adeegsadaa hubka fudud ee gacanta lagu qaato, sida Mindiyo Faashash iyo waxyaabo kale oo la halmaala.

Hargeysa1Dadka Muddadan aadka u kooban lagu qaarajiyey gudaha, waxa ugu dambeeyay laba Nin oo habeen hore si gaar gaar ah loogu dilay Magaalada Hargeysa, gaar ahaan Xaafadaha idaacada iyo Dooxa weyn,  agagaarka Biriijka weyn.

Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Maxamed Maxamuud Jeeni-yare oo shalay Warfidiyeenka kula hadlay xafiiskiisa, ayaa xaqiijiyey Maydka mid ka mid ah labadan qof oo laga helay Dooxa, waxaanu daboolka ka qaaday inay Boolisku baadhayaan dilkaasi cidii geysatay “Nin mayd ah ayaa laga helay Dooxa. Booliska ayaa baadhaya falkaa, waxaanan rajeynayaa inay sharciga horkeeni doonaan kuwii geystay”. Ayuu yidhi Jeeni-yare oo Warbaahintu su’aasha nabad-gelyada Magaalada hordhigtay xilli uu ka hadlayey Iskaashato Xafiiskiisu u sameeyay Gaadiidleyda Iskaragooyinka.

Waxaanu intaas ku daray “..Bulshada waxaan uga mahad-celinayaa sida fiican ee ay ula shaqeeyaan Ciidanka nabad-gelyada”, Ayuu sii raaciyey isagoo aad moodo inuu iska indho-tirayo dayaca nabad-gelyada caasimada soo foodsaaray, iyo gudasho la’aanta waajibka ka saaran.

Geesta kale, Ninka kaloo aan la aqoonsan ayaa isla habeen hore lagu dilay Xaafadaha Idaacada, sida ay GNA u sheegeen qaar ka mid ah  Saraakiisha nabad-gelyada, waxaana in dilkiisa loo qabtay dad aan tiradoodu caddeyn, halka kan Maydkiisa laga helay Dooxa aan cid loo qabtay jirin ilaa shalay, sida ay laamaha nabad-gelyadu warar aan rasmi ahayn ku sheegeen.

Dhanka  kale, waxa habeen hore dad lagu dhaawacay Goollada Xaafadda Siinaay, kaddib markii dhalinyaro Koox-koox u abaabulani halkaa isku faro saartay, kuwaasoo isla dhacay Faashash iyo Mindiyo, sida ay xaqiijiyeen goob-joogeyaal. “..Waxay ahayeen dhalinyaro Ciyaartooyo ah”. Ayey intaas ku dareen markhaatiyeyaashu.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Ciidanka booliska oo ku saabsan dilalkan is-daba jooga ah ee argagaxa ku beeray Shacbiga ku dhaqan Magaalada, hase ahaatee sidaan kor ku xusnay waxa loo aanaynayaa Ciyaal xaafad caadeysteyaal tuugo ku bagaloobay, xilliyada habeenkii marka dadku soconayaan baadhasho ka sameeya Xaafadaha dhexdooda. “..Baadhashadaasoo ah mid qofka waxyeello nafeed oo ilaa qudh-gooyo gaadhsiisan ay ugu geystaan”. Sida ay dadweynuhu sheegayaan.

Taliska Guud ee Booliska oo aanu marar ka duwan  la xidhiidhnay si aanu wax uga waydiino dhacdooyinkan is-xig-xiga ee nusqaabta ku ah Degenaanshiyaha,  ayaanay noo suurto gelin, balse waxa  sii kordhayo  walaaca arrintan ka dhashay ee Bulshada dhexdeeda ah ka taagan.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa dhawaan sheegay inay howl-galo ammaanka lagu sugayey  oo ay ka sameeyeen Magaalada ay ku qab-qabteen Maandooriyeyaal iyo tiro dad ah “waxaanu qabanay Dad xashiishad ku dhex iibinayay Magaalada” ayuu yidhi Taliyaha guud ee Booliska Cabdilaahi Fadal Iimaan.

Sidaasoo uu sheegay Taliyuhu, hadana waxa  muuqata inay Laamaha ammaanku ku guul-daraysteen wax ka qabashada  dilalkan sii badanaya ee ka dhacaya Magaalada Hargeysa, iyadoo ay Wasaaradda arrimaha gudaha  Madaxdeeda ugu saraysa  oo ay ahayd inay  hormuud ka noqdaan la-tacaalida Budhcadani, ay ku mashquulsanyihiin kala hagida Gaadiidka Magaalada dhex mara oo ahayd shaqadii dawladda hoose qaban lahayd.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde oo ah Masuulka ugu sareeya Laamaha amniga Qaranka, ayaad moodaa inaanu haba-yaraatee u jeedin wax ka qabashada amni-xumada Caasimada hadhaysay, soona hadal qaadin marna waxa uga qorsheysan dhacdooyinkan ugaadhsiga shacbiga ah. Waxaanad moodaa inay rumoobay.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS