haatuf.net
Taliye Ku Xigeenka Bilayska Oo Ka Gubtay Warbixino Xaaladaha Amni Ee Caasimadda Ee Xumaaday Ay Warbaahintu Ka Qortay
January 24, 2015 - Written by Admin Two

“Sharci Baa Naga Dhexeeya Jaraa’idka, ambulance Caddaymihii Waxan Ay Sheegayaan Baana Laga Rabaa,” Taliye Xigeenka Booliska Somaliland

 

Hargeysa, January 24, 2015 (Haatuf) – Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland  Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle,ayaa si adag uga jawaabay warar ku saabsan Amniga Dalka oo wargeysyo Hargeysa ka soo baxaa wax ka qoreen. Waxa uu sheegay inuu Maxakamaddaha hor gayn doono lagana rabo Caddaymaha waxa ay qoreen.

Wargaysyada ayaa Qoray warar ku saabsan Dilal muddooyinkii u dambeeyay ka dhacay Magaalada Hargeysa, waxaanu Taliyuhu sheegay inay dhamaan faldambiyeedyada dalka ka dhacay loo hayo ciddii ka dambeysay. Waxa uu sheegay in dalku guud ahaan amni yahay.

“Xaaladda Guud ee dalku waxay ku sugan tahay Nabad galyo iyo amni.waxaa idiinku tusaale ah Madaxweynihii dalka ayaa Kowda(1:00) habeenimo marna Laascaanood galaya,marna Burco galaya,marna xadka maraya, horta nabadgalyada dalka taas baa idinkaga filan”

Taliye xigeen Fooxle, waxa uu sheegay in Ciidanku hawshiisa guto “Ciidanka Booliska oo ay sheegeen inuu habacsan yahay iyo inuu hurdo,Jimcahaas waxaa wada labisan ee shaqaynayaa waa Ciidankii Booliska,Labiskii bay qabaan Shaqay u taagan yihiin 24-ka Saac”ayuu yidhi Taliye xigeenka Booliska.

Taliye Cabdiraxmaan Fooxle waxa uu sharaxay Dilal dhawaan dhacay oo biyadhaha Warbixinta Wargeysyadu khuseysay “Tusaale ahaan,dilalkan dhacay ee ay sheegayaan waxaan idinka siinayaa warbixin, waxaa dhacday bishan horraanteedii in Gabadh lagu dilay Abaarso, Ninkii dilay wuu baxsaday, wuxuu galay Itoobiya, Itoobiya ayaanuna ka soo qabanay.

21-kii bishan Nin baa lagu dilay Dooxa Hargeysa, Ciidanka Boolisku wuu ka hawl galay,Afartii habeenimo ayuu hawl galka gabogabeeyay waxaana loo hayaa afar qof oo lagu tuhunsan yahay dilkiisa.waxa kale oo ay  Warbaahintu sheegeen laba Nin Oo muddiyo isku dhuftay, labaddaas Nin Sirkhaamiin ayay ahaayeen labada Ciidanka Booliska ayaa gacanta ku haya.

Ma Jiraan Faldambiyeed dhacay oo aan cid loo hayn, waxase la yaab leh Wargeysyada Saxansaxo iyo Yool meesha ay warkan ka keeneen, Mid wuxuu sheegay 6 Qof oo dhimasho ah, midna 20 baabu sheegay laba bilood gudahood” ayuu yidhi Taliye Fooxle.

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Miyaanay ayaan darro ahayn, miyaanay Qaran dumisnimo ahayn, miyaanay Caddaawad ay Somaliland u qabaan ahayn,markay leeyihiin Hargeysa oo Caasimaddii ah ayay Dad qalato ka bilaamatay oo dad lagu laayay oo dad lagu dhaawacay, Miyay qabataa Qarankeena miyay qabataa Umaddeenna? Waa Maya”

Taliyuhu wuxuu ku dooday inay Sharciga la tiigsan doonaan Wargeysyada arrintan baahiyay “Sharci baa naga dhexeeya Jaraa’idka,Caddaymihii waxan ay sheegayaan baa laga rabaa, Sharcigaanan isla hortagaynaa, haddaanu ku helo waa nasiibkayo haddaanu ku waynana waa nasiibkood. Waanu haynaa labada Caddad ee jaraa’idka, iyagaana caddayn halka ay ka bilaamatay Dad qalatada iyo halka dadka lagu dhaawacay”

Taliye xigeenka Boolisku waxa uu sheegay inay jiraan Dhalinyaro dadka rabashta oo ay talaabo ka qaadeen “Waxa jira Ciyaal aynu dhalay oo Somalilanders ah oo ubadkeenii ah oo dhaqankii ka xumaaday,kuwaas oo habeenkii sameeyay inay Mobilo boobaan iyo inay dadka Carqaleedeeyaan, Ciidanku wuu ka hawl galay labadii habeen ee u dambeeyay wuxuu ciidanku qabtay 132 Dhalinyaro ah”

Hadalka Taliye xigeenka Booliska ayaa imanaya iyadoo guud ahaan Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland si weyn uga cabanayso falalka dhalinyaradu ku kacdo oo sii kordhaya.Maayarka Boorama ayaa Jimcihii sheegay inay bilhii u dambeeyay markii u horaysya lagu arkay Boorama dad Muddiyo lala dhacay.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS