haatuf.net
Xukuumadda Oo Qashiftay Xogogaal La’aanteeda Weerarkii Lagu Soo Qaaday Saldhiga Booliska Ee Magaaladda Boorama
January 24, 2015 - Written by Admin Two

Boorama, cialis January 24, 2015 (Haatuf) – Masuuliyiintka gob olka Awdal ayaa ka hadlay weerar lagu xidhiidhiyay kooxda suldaanka buuraha galay ee lagu soo qaaday saldhiga booliska ee Borama.

Masuuliyiiintan ayaa ugu baaqay shacabka Boorama inay u midoobaan nabada, waxa sida oo kale ay falkan ku xidhiidhiyeen Suldaan Wabar oo hore ugu dhawaaqay inuu gobalkaas ka goynaayo Somaliland inteeda kale.

Ugu horayntii badashaab ku xigeenka Awdal Cabdiraxmaan xaaji Nuur Suugaal oo dhacdadan ka hadlaayay waxa uu sheegay in aan weerarku gaysan wax khasaare ah, waxaan isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi“Dadweynaha gobalka Awdal waxaan leeyahay waa in nabada la ilaaliyo, waxaynu dadka kaga horaynaa waa nabada, gobalkanina waxa uu gobalada kaga horeeyaa waa nabada oo culimada,aqoonyahanka iyo salaadiintuna ha ka hadlaan arimaha jira, arinta xalay dhacday run ahaantii labadii iyo badhkii habeenimo ayaanu ku war helnay rasaasta dhacaysa, weerarkii la soo qaaday laguma guulaysan wax dhibaato ahana kama dhicin, dadweynaha  waxaan leeyahay soo sheega hadaad aragtaan cid nabada ku duulaan ah, waxa jira dad gobalka ka baxay oo jooga dhinaca haxadka Itoobiya kuwaas ayaanuna filaynaa inay soo qaadeen.”

Maayarka Borama Saleebaan Xasan Xadi ayaa isaguna dhankiisa waxa uu yidhi “Horta Rasaas way dhacday laakiin, sida loo buun-buuninayo may ahayn, Ciidanka Booliskuna kolay wax way rideen markay maqleen Shanqadha xabbadda dhinaca kale laakiin wax weyn may ahayn ee markii Xabbadda Ciidanka ay maqleen meesha way ka yaaceen(Kooxda Booliska Rasaasaysay), laakiin, wax weyn oo dhacay oo la odhan karo wax khasaare ah ayaa dhacay ma jirto”.

Maayarka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Nabadu cidwalba waa u dan ee waa inay dadweynaha reer  Awdal ku da’daalaan oo cid kasta oo nabadooda ka horimanaysa ay iyaguna ka hor yimaadaan, xabadi gidaarada saldhiga way ku dhacday laakiin wax dhibaato ah oo kale oo dhacay a jiraan.”

Weerarkan lagu soo qaaday saldhiga booliska Boorama ayaa ah kii labaad ee noociisa oo kale ah ee lagu xidhiidhiyay  kooxda uu hogaamiyo Suldaan Wabar ee buuraha gashay.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS