haatuf.net
Ardayda Jaamacadda Gollis Oo Difaacday THESIS-kii ugu horeeyey Oo ah Master Of Business Administration
January 24, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, pills January 23, 2015 (Haatuf) – Ardayda jaamacada gollis ayaa difaacday THESIS-kii ugu horeeyey  oo ah Master  Of Business Administration, waxay noqdeen ardaydan jaamacada Gollis ardaydii u horaysay ee Somalilaland oo dhan markii ugu horaysay  difaaca Thesis-ka. Ardaydan oo iskugu jirtay arday  ka yimid Dalka Ethiopia  iyo muwaadiniin reer Somaliland ahba.

Waxaanay ardaydaasi mawqifkoodaasi ku shaaciyeen munaasibad shalay loogu qabtay Hoolka shirarka ee Jaamacadda Gollis, ugu horayna waxa halkaas ka hadlay kana waramay dadaalka iyo horumarka ay jaamacadu ugu jirto horumarka  iyo kor u qaadida tacaliinta  sare maan-tana ay u suuro gashay kana midho dhaliyeen inay wadanka ka hirgaliyaan Master.

Guddoomiyaha jaamacadaha Gollis Dr Saed Ahmed Hasan ayaa waxa kale oo uu ka waramay in sanadkan gudihiisa  ay arday badan oo master ahi ka qalin jabin doonaan jaamacada kuwaas oo dhamaysan doona master kala duwan sida Master Of Engineering Management,  Master Of Business Administration, Master Of Development Studies, Master Of Public Administration, Master Of Conflict Resolution.

Waxa kale oo uu intaas ku daray goddoomiyaha jaamacada Gollis  in ardaydan  ka qalin jabinaysaa ay iskugu jiraan arday ka kala yimid wadanka gudihiisa iyo dibadiisaba, taasina ay keentay in maanta wadanka gudihiisa laga dareemayo dadkuna ay fahmeen in tacliinta la sii kordhiyo oo wadankan wada degree ah ay dadku tacliinta sii kordhiyaan oo qofkii degree maanta haystaa uu master ku daro ka master haystaana uu PHD ku daro meesha uu ka heli karaba, taasina waxay faa’iido u tahay wadanka iyo bulshada labadaba.

Waxa kale oo halkaas ka hadlay hormoodka qaybta Masters Program ka  Md Cabdirisaaq Awdaahir Awkhaliif,  kaas oo sheegay in maanta dadkeenu dareemeen baahida loo qabo in tacliinta  kor loo qaado loona baahan yahay qof walbaa inuu ku xisaabtamo inuu sii horumariyo tacliintiisa wuxuu tusaale u soo qaatay in jaamacacada gollis macalimiinta wax  ka dhigtaa ama qab ka mid ah jaamacada gollis maamulkeedu ay badankoodu ku jiraan ardayda  ka qalin jabintoonta isla jaamacada gollis sanadkan gudihiisa iyagoo 2016 jaamacada gollis ay shaqaalaheeda  iyo macalimiinteedu oo dhan ay  noqon doonaan hadii ilaahay yidhaahdo difacadii ugu horaysay ee  master ka qaadata wadanka gudihiisa iyo gollisba, taasina waxay wax ka tari doontaa harumarka iyo tayada wadanka iyo jaamacadaba.

Eng jim oo ah supervisor   ka mid ah supervisor-radii ardayda   ka caawinayey buug ay qorayeen ayaa wuxuu sheegay in maanta jaamacada Gollis ay taagan tahay meel aad u fiican tayadeeduna ay sarayso loona baahan yahay in hore looga sii socdo, dalkan Somaliland na wuxuu u baahan yahay in dadkeedu ay wax taraan kuna xisaab tamaan in cilmiga ay u hagar baxaan qof walbaa iyo waalid kastaaba uu ku dadaaalo sidii  uu uga midho dhalin lahaayeen harumarinta iyo dadaalka loogu jiro cilmiga.

Taasi waxay wax ka taraysaa harumarka wadanka, isla markaana jaamacada Gollis iyo shaqaalaheeduba waxay u diyaar yihiin inay ka qaby qaataan harumarka wadanka iyagoo xooga saaraya  xaga tacliinta . mar walbana waxay heegan ugu jiraan wax walba oo lagu tayeyn karo cilmiga ay jaamacadaasi bixiso.

Hadaba dhinaca walba hadii aynu ka eegno harumarka jaamacadaha wadanka jaamacada Gollis waa jaamacadda kaliya ee mar  walba u hurta dakhli sidii ay qalab ugu soo iibin lahaayeen  qaybaha  jaamacadu ka kooban tahay ee u baahan Practical-ka Degree iyo Master-ba.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS