haatuf.net
“Hadii Ay Xabad Noqoto Anaga Qoryahayagi Meel Ayay Noogu Duu-Duuban Yihiin, 24saacadood Hadaad Madaxwayne Wax Kaga Qaban Waydo Boqol-Nina Ha Dhintaane….”Suldaanka Guud Ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed
January 24, 2015 - Written by Admin Two

“Taliyaha Ciidanka Qaranku Dhamaan Waxa Uu Cunay Xeryihii Ciidanka Qaranka, site Waxaana Uu Maanta Ku Daray Dhulkii Danta Guud ahaa Joon-Mitirna Waxa Uu Ka Noqday Xaafada Masalaha….”Guddoomiyaha Gudida Horumarinta Beesha Ciida Gale

 

Hargaysa, adiposity January 24, cough 2015 (Haatuf) – Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir, Cuqaasha, wax garadka iyo Dadka Daga Xaafada Masalaha ee  Koonfurta Magaalada Hargaysa ayaa meel adag iska taagay isla markaana go’aamo k a soo saaray Saddex garoon oo ku yaala Xaafadaasi oo  ay  sheegeen in Taliyaha Ciidanka qaranku ku tagri-falay.

Suldaan Maxamed ayaa ku hanjabay in haddii wax lagaga qaban-waayo  24saacadood arrimahaasi inay talaabo ka dhan ah xukuumadda Siilaanyo qaadi doonaan, xataa haddii ay arrimahaasi khasaare ka soo gaadhayo inay badheedhi doonaan.

Sidoo kale Guddoomiyaha Guddida Horumarinta Beesha Ciida Gale Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Askar oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa  sheegay in Taliyaha Ciidanka Qaranku uu Joomitir ka noqday Dhulkuu danta guud ahaa ee ummadu wada lahayd, isla markaas Saddex garoon oo dhalinyarada xaafadaasi ku ciyaari jirtayna uu sees ku wareejiyay.

Waxaanay sidaasi ku sheegay mar ay maanta warbaahinta kula hadleen xaafadda Masalaha ee magaaladda Hargeysa, ugu horayna Caaqil Askar  madashaasi ka hadlay ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Arinka ugu wayn ee aanu Maanta ka hadlaynaa waxa weeyaan Dhibtaada ka taagan Xaafada Masalaha oo Ciidan Millatari ahi Xoog ku haystaan,Waligayna Ciidan Xuduudaha ilaaliya Mooyaane Maan Arag Ciidan Joon-mitir Ah oo Dhulka Cabiraya Dadkana Ka iibinaya Waligay Anigu Maan Maqal Maanta ka Horow,dad danyar ah ayaanu Meesha ka qaad-nay oo aanu ku nidhi dhulkan dan guud ayaa laga dhigayaa,Meeshii dadkaas laga qaaday Hada sees ayaa lagu wareejiyay waxaana lagta iibiyay dad shacab ah”.

Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Askar isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas raaciyey ”Saddex garoon oo dhalinyaradu ku ciyaari jirtay oo uu bixiyay Maayarkii Hore ee Hargaysa Jiciir bixiyay,Birihii Waa laga saaray Sharciga Dawlada Hoose-na dan guud ayay ugu Jirtaa,ismaaciil shaqale Taliyaha Ciidanka qaranka ayaa seesaya halkaas aanu taaganay hada madhaafi karno Meeshaba Ciidan ayaa haysta,Sidii Barigii dalka fashaqtu haystay ayaanu saddex habeenba Dadka Xaafadan dagani Shanta Galab-nimo hoyanayeen,Madaxwayne Hadaad Afar iyo labaatan Saacadood aad go’aan kaga soo saari waydo Dadka Nin qori la’i kuma Jiro”.

Caaqil Rashiid Rashiid Maxamed Jaanbiir ayaa sheegay in hadii xukuumadda Siilaanyo talaabo ka qaadi qaydo Taliyaha Ciidanka Qaranka oo ay ku eedeyeen inuu dhulkii Garoonada ahaa ee danta guud ku jiray uu xoog ku dhistay isla markaasna sees ku wareejiyay, Waxaana uu sheegay Caaqil Rashiid in hadii 24 saacadood Xukuumadu Wax kaga Qaban waydo ay talaabo ka qaadi Doonaan, isagoo arrimahaasi ka hadlayna, waxa uu yidhi “Waxaanu xukuumada u sheegaynaa hadii 24saacadood oo isku waree ah wax kaga qaban waydo Xaalada Masalaha ka taagan ee saddexda dilaaliinta u ah in shaqale ee uu ka mid yahay taliyaha hawl galinta Ciidan qaranka iyo Taliyaha qaybta hadii uu madaxwayne Siilaanyo talaabo ka qaadi waayo dagaal ayaanu ka xignaa waanan galaynaa”.

Caaqilku waxa uu sheegay in Tobanka Subaxnimo ee aroorta wax kaga qaban waayo Madaxwayne Siilaanyo in ay dagaal ka xigaan , waxaanu yidhi “Boqol nin hadii Madaxwayne ku dhimanayso dagaal ayaanu ka xignaa oo seeskaas la dhisay gacan tayada ayaanu ku duminaynaa wixii donaana ha ka dhacaane, aqbali mayno in Halkii dhalinyaradu ku ciyaaraysay lasiiyo dad gaar ah”.

Wasiirkii hore ee wasaarada cadaalada Somaliland Mr Aadan Dhoolayare oo isna halkaasi ka hadlay ayaa  sheegay in aanay waligeed dhicin in garoonkii dhalinyaradu ku ciyaaraysay cid gaar ah lasiiyo kuwaas oo uu dhibka ka yimaada goobtana dusha u saaray Taliyaha Ciidanka qaranka waxaana uu yidhi “Dhibaatada meesha taala waxa weeyaan Hadii Xukuumadu Qorshe u samayn waydo Dhalinyarada xaafada oo garoonkii ay kubada ku ciyaarayeen iibiso Tukaamo la Boobo daaye Wax la boobayaa Xafiis-yada Dawlada,Xafadan marka laga soo bilaabo calaamadaha ilaa Masalaha Iskuul dhexe kuma Yaalo,Xarun Caafimaad maleh suuq maleh meeshii la is yidhaa uga dhigana Waa laqaatay markaas waxaan leeyahay dadwaynaha,Anigu Nabad Galiyo Darada Majecli danta guud Ayaan u hadlayaa”.

Sheekh Maxamed Cali aw Geed oo isaguna madasha ka hadlay ayaa soo jeediyay in nabad wax lagu raadiyo xaalada ka taagan deegaankana Xukuumadu dhagaha u furato,Xaalada ka taagan Masalaha waxa uu ku sifeeyay mid cidii ku shaqo lahayd ka gaabisay isaga oo cadeeyay inta ay nabadu joogto in xal loo raadiyo meeshan.

Suldaaan Maxamed Suldaan Cabdi qaadir oo ah Suldaanka Guud ee Salaadiinta Somaliland Kana Soo jeeda Beesha dagta Koonfurta Iyo bariga Magaalad Hargaysa ayaa sheegay in dhulkii dhalinyaradu ku ciyaaraysay uu la wareegay Taliyaha Ciidanka qaranka oo ku sifeeyay Taliye Joomitir ah, isagoo arrimahaasi ka hadlayana, waxa uu yidhi “Madaxwaynahu meeshan shan gudi ayuu u diray hadana Gudidaas uu u diro kalsooni kuma qabo oo markiiba mid Kale ayuu ka daba saraa, Madaxwaynaha oo meeshan indhihiisa ku arko mooyaane cid kale am gudi uu u saaro ka fiirsan mayso,waxaan leeyahay cidii ciidanku ka iibiyeen dhulkan waxaan leeyahay meeshan haku soo lugu’in,Birihii Garoonka Hadii lagu celin waayo maanta anaguna Habeenkaa caawa ah ayaanu anaguna bur-burin dhamaan seeskaas la dhisay oo dhan”. Suldaan Maxamed isagoo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Hadii ay xabad noqoto anaga qoryahayagi meel ayay noogu duu-duuban yihiin, Madaxwayne Xanjabaad nagama Ah ee waa naga dhab,Hadii 24Kaas saacadood ee aanu u qabanay wax lagag qaban waayo Geeri ayaanu ka xignaa.sidaas ayaa uu yidhi suldaanka guud.

Xildhibaan Siciid Maxamed Libaaxo oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Guurtida, Caaqil Cabdi Wali,Mujaahid Xasan Guure dhalinyarada xaafada,wax garadka iyo dhamaan salaadiintu waxa ay shegeen in hadii xukuumadu go’aan cad caawa ka soo saari waydo deegaankaasi in ay talaabo khal-khal galisa xaalada dalka ay samayn doonaan waa sida ay hadalka u dhigeen,waxaana ay baaq ku wajahan madaxwaynaha somaliland ku shegeen in ay uga fadhiyaan intaanay dhibaato iman inuu gacantiisa wax kaga qabto.

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS