haatuf.net
Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID Oo Xukuumadda Siilaanyo Uga Digay Hanti-boobka Ay Ku Mashquushay, Fariina U Diray Shacbiga Somaliland
January 24, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, cure January 24, pills 2015 (Haatuf) – Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa uga digay Xukuumada Kulmiye in ay dhulka danta guud ay si gaar ah uga faa’iidaysato oo ay ugu tagri-fasho.

Jamaal Cali Xuseen waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal kooban oo uu caawa soo gaadhsiiyay Haatuf, hospital kaas oo uu shacabka ku baraarujiyay in aanay xukuumaddii ay soo doorteen ka yeelin in ay hantida la wada leeyahay ay ka faa’iidaystaan xubno gaar ahi.

Qoraalkaas ayaa u isagoo dhamaystiran u dhignaa sidan “Waxaan Dawladda Ugu Baaqayaa Inay Joojiso Garoomadda Dhalinyaraddu Ku ciyaarto ee Xoogga Lagu Qaadanayo; Halka Ay Hantiddii Danta Guudna Dad Gaar Ah Siinayso Iyadoo Loo Marin dariiqii Saxda ahaa.

(Boobka Looma Dul-qaadan Karo) – Shacabkuna Ha Ogaadaan Inaad fartiina Ku Ridi

Kartaan Oo aan Qori Loo Baahnayn.

Anigoo hore ula yaaban boobka qaawan ee xukuumadda Siilaanyo iyo lacag urursiga xoogan ee ay hantiddii ummadda ku iibinayso maalinba maalinta ka danbeysa,; ayaa maantana ayku darsatay in ay si badheedh ah garoomaddii caruurtu ku ciyaaraysay ay xoog ku qaadato (tan ugu danbeeysa ee Masalaha magaaladda Hargeysa).

Waxaa ayaamahan soo xoogaysanaya badheedhka qaawan ee dhaca iyo xatooyadda leh ee xukuumaddani ku talaabsanayso, iyadoo indhaha ka qarsanaysa shuruucdii dalka u taalay.

Waxaan leeyahay dadka iyo ciidanka qaranka yaan layska hor keenin; dabkana sida lagu istaadhaa way dhib yartahay laakiin sida loo damiyaa aad bay u adag tahay.

Xukuumad wakhtigeeddii soo dhamaanayo oo doorasho looga fadhiyo inay iyaddu fidmo dadka ka dhex abuurto loogama fadhiyin. Halka kalena waxaan shacabka ugu baaqayaa in xukuumad aad far ku ridi kartaan, in qori loo qaato maaha; weli halkaasi maynaan gaadhin ee walaalayaal nabadda inoo ilaaliya.

Laakiin idinkoo qoryo qaadan xor baad u tihiin inaad isku soo baxdaan oo aad dareenkiina muujisaan; oo mudaharaadyo nabad ah aad qabsataan.

Xukuumaddani siday u socoto maaha niman dan ka leh dadkan iyo dalkan toona. Waa nimanka aan xal iyo wanaag midna waxba ku dhameeyneyn ee been qaawan iyo indho sarcaad dadku ku manjaro habaabinaysa.

Goboladda dalka dhamaan meel aan laga cabaneeynin ma jirto; hawgu horeyso Awdal Iyo Sool. Inta dhulkii iyo hantiddii dawladda iyo guryihii la wada iibiyey ayaa imikana loo soo dhigtay dhulkii danta guud ee dhalinyaraddu kubadda ku ciyaari jirtay. Waar Ma dhul baanaan baa la waayey.

Waxaan La dareemayaa dhibaatadda dadka Masalaha deggan, dadka Awdal, dadka Gabiley, dadka Sool, dadka Berbera, dadka Hargeysa iyo dhamaan shacabka Somaliland.

Waar dalka Iyo dadka ha loo tudho. Ilaahay kuwan haynaga samato bixiyo. Shacabkuna haysku duubnaadaan”.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS