haatuf.net
Madaxweynaha Dalka Turkiga Oo Maanta Ka Degay Magaaladda Muqdisho
January 25, 2015 - Written by Admin Two

Erdogan222Muqdisho, ailment January 25, mind 2015 (Haatuf) –  Madaxweynaha dalka Turkey Recep Dayyib Erdogan iyo wafdi u hoggaaminayo ayaa  maanta ka dagay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Somalia.

Madaxweyne Erdogan waxaa garoonka ku soo dhaweeyey madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud iyo saraakiil ka tirsan dowladda, drug iyado kooxda baambowda Soomaaliya ay halkaasi ka garaaceen astaanta calanka Turkey iyo kan Soomaaliya.

Madaxweyne Erdogan ayaa garoonak diyaaradaha Muqdisho ka furay terminaal cusub oo ay dhiseen shirkadda Favori ee laga leeyahay dalka Turkey.

Sidoo kale madaxweynaha Turkey wuxuu dib u furay cisbitaalka Digfeer oo ay dayactireen dowladda Turkey.

Waa markii labaad ee Erdogan uu tago Soomaaliya,  isagoo tagay Soomaaliya sannadkii 2011-kii wakhtigaasi oo ay Soomaaliya ka jirtay abaar iyo macluul ba’an.?

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS