haatuf.net
Maamulka Siilaanyo Kama Madh-na Cidaha Loo Nisbeynayo Weerarkii Saldhiga Booliska Boorama Inay Ka Dambeeyeen; By Xuseen War-mahaye
January 25, 2015 - Written by Admin Two

Inkastoo  xukuumadda Somaliland aanay ilaa hadda wax war ah oo rasmi  ah ka soo saarin dhacdadii horaantii todobaadkan ee rasaasta lagu weeraray saldhiga dhexe ee booliska Boorama haddana waxa soo baxaya tuhuno kala jaad-jaad ah oo ku taxaluqsan cidii  ka dambeysay falkaasi oo ahaa mid ku ugub ah caasimadda gobolka Awdal ee Boorama.

Dabcan xukuumaddu waxay jeceshahay sida hadalada wasiiradeeda laga dhadhansanayo inay eeda saarto Suldaan Wabar oo ay rayul caamka ku jeediso in uu isagu ka dambeeyey weerarkaasi.Xukuumaddu waxay baryahanba inoo buunbuuninaysay Mr Wabar oo runti markaad eegto ah qof aan waxba isla heynin(desperate) oon waxba kaga duwaneyn salaadiintan kale ee xayraanka ah ee Somaliland ka jira.Wabar meelna muu  u kicine reerkoodan xadka dushiisa dega uunbuu tagay oo uu  hadda ku dhex dhuumaalaysanayaa.

Hasa yeeshee waxa jira tuhuno iyo shakiyo isa soo taraya in xukuumadda Siilaanyo ay iyada lafteedu si dadban uga dambeysay rasaasti saldhiga lagu riday iyadoo lagu xidhiidhanayo falkan kuwa kale oo  ka horeeyey iyo qaar ka dambeeyeyba oo meelo kale oo Boorama ka fog ka dhacay oo ujeedadoodu tahay sidii loo abuuri lahaa xaalad nabadgelyo darro ah oo loo cuskada mashruuca muddo kordhinta madaxweyne Siilaanyo ee ay xukuumaddu dabada ka riixayso.Tabaha iyo xeelaha cusub ee loo marayo muddo kordhinta waxa ka mid ah qorshahan uu dhawrkii bilood ee uu dambeeyey uu suldaankan ina suldaan Cabduqaadir ka soo qaatay madaxtooyada ee uu kolba leeyahay baloodho masalaha ku yaala aaya la isku dili doona.Suldaan Maxamed shalaybay aheyd marki isaga iyo Jaamac Yare ay ku taliyeen inay  Hargeysa oo nabad ku soo tuustay ay jiib ka dhex ridaan oo dagaal sokeeye dad wada dhashay u horkacaan.Laakiinse may mahadin oo waa tii la ogaa wixi ka raacay.

Hadaba waa la ogyahay in Mr Siilaanyo iyo kooxdan ku xeerani ay qorsheysteen inay helaan muddo kordhin 3 sanadood ah oo waliba dhaameelki baarlamankuna uu diyaar u yahay inay  taas saxeexa ugu duugaan hadii iyagana kordhinta lagu darayo.

Waxayna u taalaa dadka reer Somaliland waxay ka yeelayaan qorshahaasi. Laakiinse madaxweyne Siilaanyo iyo kooxdiisu yaanay kolba mushkilad inooga dhigin Suldaan baalaxooftaynaya oo aanay kolba dadka ku asqaynin sheekooyin rakhiis ah sida Masalah Hargeysa ayaa la isku dilayaa iyo Ethiopia ayaa suldaan Wabar ka dambaysa. Dadka reer Hargeysa iyo reer Boorama-ba caqligooday qabaan dawladda Ethiopian-na ma jirto wax ay Somaliland oo nabdoon ku doorsan karto oo waa tii Cali Khaliif-ba saq dhexe Addis-Ababa ka mastaafurisay.

By Xuseen Warmahaye, shop Addis-Ababa.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS