haatuf.net
5 Qof Oo Kabo Ku Taagay Madaxwayne Siilaanyo Oo Ku Xidhan Abdaal
January 26, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, generic January 26, 2015 (Haatuf) – Shan qof oo kabo ku taagay madaxwayne Siilaanyo ayaa lagu xidhay tuulada Abdaal oo ka tirsan gobolka Saaxil.

Waxa tuulada Abdaal ee ku taala wadada laamayda ah ee Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera dhexdooda ku xidhan 5 qof oo u dhashay deegaankaasi ka dib marki ay abaarro kowdi duhurnimo ee maalintii doraad kabo u taageen  madaxweyne Siilaanyo oo xiligaas isaga iyo kolayadiisu ay jidka soo hayeen, isla markaana ka soo laabtay socdaal uu ku marayey gobolada bariga Somaliland, kuwaas oo ku soo jeeday dhinaca Caasimadda dalka ee Hargeysa.

Shantan qof ayaa waxay ciidamada ammaanku xabsiga Mandheera u taxaabeen  saacado kadib marki uu madaxweynuhu ku soo noqday Magaaladda Hargaysa iyadoo amarka qabashadooda uu ka soo baxay  xaaska madaxweynaha Aamina Waris, taasoo sida la sheegay  aad uga cadhootay dhacdadaasi kabaha loogu taagay Odaygeeda.

Wixii ka soo kordha Muwaadiniintaas lagu xabisay jeelka Mandheera kala soco Haatuf.net.

 dad kabo kusoo dhaweeyey Siilaanyo

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS