haatuf.net
Saraakiil Ka Socda Qaramada Midoobay Iyo Xafiiska Ethiopia Oo Loo Diiday Inay Koraan Markabka Hubka Sida Ee Ku Xayiran Berbera
January 28, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, erectile January 28, 2015 (Haatuf) – Masuuliin sarsare oo ka socday Kooxda UN Monitoring Group ee qaabilsan cunaqabataynta hubka ee Somalia iyo diblomaasiyiin Ethiopian ah oo ka tirsan xafiiska Qunsiliyadda dalkaasi u fadhida magaaladda Hargeysa ee caasimadda dalka Somaliland ayaa ku guuldaraystay inay indhahooda ku soo arkaan hubka saaraan markabka ku xayiran dekedda Berbera ka dib marki ay  xukuumadda Somaliland amar ku bixisay in laga horjoogsado inay markabkaasi koraan.

Markabkan hubka sida ayaa waxa horaanti todobaadkan lagu qabtay dekadda Berbera markii la ogaaday inuu siddo saanad milatari oon ku qorneyn manifest-kii ay ku muujisneyd alaabti ku rarneyd markabka.

Siday qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland sheegeen, markabkan ayaa waxa laga soo raray dalka Suudaan, waxaanu ku socday Imaaraatka Carabta halkaas oo ay aheyd in uu ku rogo hubka saaran oo sida la sheegay ay Suudaan kaga qaybgalasay bandhig hubka ah oo lagu qabanayo Dubai. Hasa yeeshee ilo wareedyo kale ayaa waxay sheegeen in markabkani uu hubka saaran baryahanba badda la meeraysanayey.

Siday warbaahinta caalamku hore u sheegtay dalka Israel ayaa dhawr jeer weeraro cirka ah ku qaaday bartilmaameedyo ku yaala dalka Suudaan si ay uga hortagaan hub ay dawladda Iiraan dhulka Suudaan u marinaysay ururka Xamaas. Xukuumadda Somaliland ayaan ilaa hadda wax tafaasiil ah ka bixinin hubkan iyo markabka sida, waxaanay hadal la’aanta xukuumadda Siilaanyo abuurtay dareeno shaki leh oo galay bulshadda Somaliland iyo mujtamaca dunidaba.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS