haatuf.net
Dareeno Cadho Leh Oo Ka Dhashay Koox Dhalinyaro Ah Oo La Soo Abaabulay Oo Weerar Ku Qaaday Xafiiska Shabakadda Qarninews Ee Magaaladda Hargeysa
January 28, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, no rx January 28, capsule 2015 (Haatuf) –

Koox dhallinyaro ah ayaa dhibaato xooggan u geystay xafiiska shabakadda caalamiga ah ee Qarninews.Com ee ku yaala xaafadda New Hargeysa ee bariga caasimadda Somaliland.

Dhallinyaradan oo si abaabulan u weeraray xarunta Shabakaddaasi, ayaa waxay dhaawacyo halkaasi ku gaadhsiiyeen Agaasimaha hay’addaa ee Somaliland, Wariye Miyir Cali Xuseen, waxayna burburiyeen qalabkii yaalay xafiiska.

Miyir Cali Xuseen oo la soo xidhiidhiyey warbaahinta ayaa sheegay inuu qabo dhaawacyo fudud iyo jug ay gaadhsiiyeen dhallinyarada soo weerartay, isagoo intaasi raaciyey in qalabkii xafiiska u yaalay ee shakabaddu lahayd ay badhna jajabiyeen, badhna hab bililiqo ahaanna ah u qaateen.

Wariyaha ayaa falkan khasaaruhu ka soo gaadhay ku eedeeyay Suldaan Yuusuf Maxamed Xiirey oo ka mid ah Madax-dhaqameedka reer Somaliland, waxaanu sheegay in kooxda ku soo weerartay xafiiska Qarninews.com ay hoggaaminayeen laba wiil oo uu dhalay Suldaan Xiiray, isagoo xusay in weerarka ka hor uu Telefoon uga soo hanjabay Suldaanka laftiisu “Shalay Galab ayaa waxa abaaro 5:30 kii galabnimo ila soo hadlay Suldaan Yuusuf Xiirey oo kamid ahaa Saaxiibada Shabakadda Qarninews.com isla markaana muddo dheer ka mid ahaa Xubnaha ka aanu muddo dheer ka Caawin jirnay in aanu wararkiisa u gudbino Bulshada. Haddaba Galabnimadii shalay waxa nagaga yimid fal aanaan hore ugu baran oo ah hanjabaad iyo aflagaado cadaan ah isagoo markuu cabaar Telefoonka iiga hanjabay dhigay…”ayuu yidhi Miyir Cali Xuseen, waxaanu intaasi raaciyey in markaa ka dib ay soo weerareen dhallinyaradaasi oo ay ku jiraan laba uu dhalay Suldaan Xiiray.

Falka noocan ah oo aan la ogeyn waxa uu salka ku hayo, ayaanay noo suurto-gelin inaanu wax ka waydiinno Suldaan Xiirey. Maadaama oo ay dambi tahay in Madax-dhaqameedka iyo Masuuliyiinta qaranka ee warbaahinta wax ka sheeganayaa dad u adeegsadaan ama sharciga gacantooda ku qaataan.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS