haatuf.net
Adhi-na Shugux Shugux Kama Ilbaxo, Xukuumaddeenuna Dhagax-dhigid; Qalinkii Musharaxa Madaxwaynaha UCID Jamaal Cali Xuseen
January 29, 2015 - Written by Admin Two

“Dhagax Dhigiddii Hore Oo $500 Million Doollar Ahayd Oon La Dhamestirin In Dhagaxaan Kale Lagu Daro May Haboonayn”; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo xaqbuu u leeyahay in uu bulshaddiisa ka warhayo oo safaro ku soo maro. Laakiin markaad u fiirsatid safaradda u kuur galka xaaladda dadkaagu waxay u baahan tahay in marka aad xilka qabatid aad sidan oo kale u soo wareegtid, medicine laakiin kuma haboona  maalinta ay xilkaagii dhowr bilood ka hadhsan tahay. Dalalka dhaqaalaha weyn leh iyo kuwa inala deriska ahba miyaad weli ku aragteen dawladdii oo dhan oo macaa wasiiradeeddii intay is daba yaaceen dalkoo dhan ku wareegaya? Haddii madaxweynahu uu uba kuur gelayo dadkiisa, pharm miyaaney habooneyn wafti kooban oo wasiirkiisa daakhiligga iyo gacan yarayaashiisu uun inay la socdaan? Maxaa keenay in xataa dad aan dawladda ka tirsaneyni ay waftigaasi ka mid ahaayeen iyagoo aad u tiro badan. Haddii Ilaahay Xisbigga UCID ku guuleeyo talladda qaranka, anagu marnaba ma sameyn doono safarkan oo kale oo dhaqaalaha danyarta umma adeegsan doono in ay cid weliba ku jirto safarka madaxweynaha. Tix-gelintayaddu waxay toosh ku eegi doontaa adeegga ay bulshaddu ka sugayso Qaranka, iyo dhaqaalaha liita ee laga soo ururiyey danyarta. Dhaqaalaha ka sokowna may aheyn in laguna lumiyo wakhti badan oo ay ahayd in xukumaddu u adeegto bulshadii ka sugaysay waxqabad, iyadoo masuul kastaa min degmo, gobol iyo ilaa heer wasaaradeed halkooda ay ka hawlgali karayeen, balse ayna ahayn in socdaal ay is daba yaacaan sidaan kuraas buushash ah iyo dad u sacabo tuma bulashada kaga lumiyaan hanti iyo wakhti.

Xisbiga UCID waxa uu daaha ka rogayaa in socdaalkii madaxweynaha ee min Awdal ilaa iyo Sool uu ahaa mid

ay madaxweynaha ugu horeysay badankoodda deegaamidii uu ku soo maray lugta deg-dega ah ee aan hoos loogu daadegin baahiyaha dhabta ah ee ka jira deegaamadaas oo uu qarankan ku ahaa mid khasaare ah oo aan waxba ka badaleynin waayaha

deegaamadaas oo ah kuwo kusii kala liita adeegyadii ay ka waayeen xukumadda Kulmiye oo shantii bilood ee ugu dambeeyey mudadii dastuurku u jideeyey in ay dalkan hogaamiso olole u isticmaashay socdaal baashaal ah oo la doonayo in indho-sarcaad looga dhigo safarkan  bulshada Somaliland ee maanta sida weyn u soo jeeda.

Tusaale ahaan madaxweyne Axmed Maxamed safarkii uu kaga baxay Hargeysa ee uu ilaa Awdal socday waxa ayahayd in arrinka qaranka ugu mudan ee soo socday mudadda uu mudnaanta koowaad siiyo oo uu halkaa bulshada tabashada qabta ee Reer Awdal uu wakhti ku siiyo,dhageysto dadka deegaanka, xalka ay diyaarka la yihiin la qaato dadka reerAwdal oo hoos ugu daadago  tabashada ay qabaan oo uu kaga jawaabo waxa ay ka filanayeen isagoo dhexjooga. Socdaalkii madaxweyne Siilaanyo waxa uu ahaa fursad weyn oo seegtay xukumadda oo aad moodaysayba in ay olole ahaan uga faa’iday, balse waxa uu ahaa mid tusaale ahaan wax lagaga qaban lahaa xurgufta kala fogaysay isla dadka degmada Buuhoodle iyo Qorulugud, taas oo xataa qaar ka mid ahaa dadkii halkaa ka hadlay oo ay ku jiraan masuuliyiin xukumadda ah oo deegaanka ka soo jeedaa ay ka dhawaajiyeen in wax laga qabto xaalada gobolka Buuhoodle isagoo madaxweynuhu ku sugan halkaa, laakiin qorshe jira ma jirin, imikana ma jiro arinkaa wax lagaga qabanayo, iyadoo aynu ognahay in Puntland lug iyo gacanba kula jirto deegaamadaasi oo uu xataa madaxweynahe ku xigeenkii Puntland uu Buuhoodle wado u soo dhagax dhigay, waana taariikhda markii ugu horeysay ee masuul Puntland ahi uu dhagax dhigo deegaano Somaliland ah.

Socdaalka madaxweynuhu muu ahayn wax ka badan khudbado faan ah iyo ballamo aan wax la taaban karo lahayn, iyo xataa garowshiiyo ah in wixii ay hore ugu balan qaadeen oo aan halkooddii laga soo qaadin maadaama ay dadkii ay u tageen ku cawdeen wixii hore ee loo balan qaaday ay weli sugayaan. Sidoo kalena ma jiro wax deegaamadda uu lugta deg degaga ah dhigay oo lagu darsayo baahiyaha ka jira, taas oo muujinaysa qorshe la’aanta socdaalkaas oo ujeedadiisu ahayn sida ummadda loogu sheegay. Socdaalkii madaxweynuhu waxa uu muujiyey dhiiranaanta ay xukumadani ugu jirto dib u soo celinta dhaqamadii aynu ka dhiidhinay ee kali taliska iyo Kacaankii bulashada sacabtumistiisa u soo dareerin jirtay dariiqyada. Waxa socdaalkii madaxweynaha si weyn uga muuqday abaabulka ardayda dugsiyadda oo halkii loo dayn lahaa wakhtigoodda waxbarasho Wasaaradda Waxbarashadu u soo dareerisay dariiqyadii uu marayayey madaxweynuhu iyagoo lagu soo raray halkudhiyo iyo caleemo loo lulo oo ay kaga fogaanayso xaqiiqada dhabta ah. Haddii Ilaahay nagu guuleeyo marnaba ogolaan mayno in arday inta iskuuladda laga soo dareeriyo ay wadadda noo istaagaan oo noo sacabo tumaan. Xukuumaddu waxay ahayd in ay hoos ugu daadagto danaha ummadda oo ay ka baxdo isku -camiridda iyo is-caleemo saarka xili dalka ay ka jiraan baahiyo, da’yarteeniina ay badaha ku dhamaadeen.

Ugu dambaystii waxa uu Xisbigga UCID ugu baaqayaa xukumadda in aanay mudadda yar ee u hadhay qarankan kaga lumin tamashlayn iyo meelo aan waxba loo qabanayn la warwareego, qarankana aan lagaga lumin hanti aanay awoodeyn oo uga mudan in wax la taaban karo loogu qabto halkii boqolaal caleemo lula, sawiro iyo calaamado gidaaro la sudho iyo dadweyne abaabulan la galin lahaa aanay marnaba dadka ilowsiin kareynin xaqiiqda dhabta ah ee dalka ka jirta. Haddaba safarka madaxweynahu hadday tahay Olole, weli may gaadhin xilligeeddii, hadday tahay in uu wax qabtana, mudaddii waa gabaabsi. Safarkan kii horeeyey oo madaxweynahu uu mashaariic badan soo dhagax dhigay oo ay kharashkoodu ka badnaa $500 million oo doolar, oo weliba aan mid qudha laga dhameystirin, in haddana dhagaxaan kale lasoo dhigaa daw may aheyn, dadkuna waa fahmayaa, iyadoo weliba tii uu miisaniyadeenuba ay tahay $200 million dollar wax yar kor u dhaafay. Adhiguna Shugux Shugux Kama Ilbaxo, Xukuumadduna Dhagax Dhiggidda. Adhigaa markaa daasad yar shugux shugux laga siiyo yaaca oo aan weligood ka ilbixin, bal xukuumaddan iyaduna dhagaxaantii hore oo aan la dhisin weli ka ilbixi la’ ee aan yiqiinsan in lagu fahmay bal ka siteeya. Madaxweyne sidaad tidhi mucaaridku kaama baqanayaane weyna aaminsan yihiin inaad doorasho geli kartide; fadlan adigaa garoonka mufaatiixdiisa hayee inoo fur oo wakhtigaad ku balan qaaday waa lagaa sugaa.

Ilaahay kheyrka hayna waafajiyo.

Qalinkii; Musharaxa Madaxwaynaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Md Jamaal Cali Xuseen

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS