haatuf.net
Duqa Caasimada Oo Ka Hadlay Khasaaraha Ka Dhashay Dad Shiid Kala Hor-Yimi Howl-Gal Dawladda Hoose Maanta Ka Fulisay Hargeysa
January 29, 2015 - Written by Admin Two

“Ka Hadhi Mayno Dadkii Gaadiidka Dawladda Jajabiyey  Saaka” Maayar C/Raxmaan Soltelco

 

Hargaysa, prostate January 29, cialis 2015 (Haatuf) – Maayarka Caasimada Magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud  Caydiid (Soltelco), prostate ayaa shaaca ka qaaday inay sharciga la tiigsan doonaan dad uu sheegay inay Shiid iyo fowdo kala hor-yimaadeen howl-gal Waddo banyan ah oo ay dawladda hoose saaka fulisay.

Maayirka ayaa sheegay inay waxyeelo u gesyteen gaadiid shacab iyo baabuur Dawladda hoose leedahay Dadka shiidka kala hor-yimi howl-galka Waddo banaynta ah oo saaka laga fuliyey Waddada hor-marta Beerta Xoriyada oo uu sheegay in saxmada lagaga yarayn doono Jidadka waaweyn ee dhakhtarta xagiisa dambe iyo xaggiisa hore mara.

Maayar Soltelco isagoo arrimahaasi ka hadlayana, waxa uu yidhi “Maanta Waxaanu samaynay Wajigii koobaad ee wadada ka dhacaysay, Halka beerta Xoriyada ,wadadaasi oo marka ay wajiga koobad ka baxayso u soconaysa koonfur,Marka danbena Bari iyo galbeed,dhinaca galbeedka waxay kaga xidhmi doontaaa,halka ciidanka booliska,dhinaca kalena waxay kaga xidhmi doontaa ilaa maxamed mooge oo ay ka talaabi doontaa wadadu,waxaan u mahad naqayaa Shaqaalaha Dawlada Hoose iyo Ciidanka booliska,oo u dhabar adaygay fulinta howl-galka, iyadoo dadweynaha intooda badani soo dhaweeyeen”.

Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco, oo tafaasiil ka bixiyey waxyeellada ka dhalatay isku dhac dhex maray dad Shacab ah oo ka soo hor-jeestay wado banaynta iyo Ciidanka Boolisku, ayaa sheegay in Gaadiid rayid khasaare loogu geystay Shiid ay tuurayeen Dadka amar diida sameeyey.

“Waxaan leenahay saaka dadkii halkaasi ka galay falkaasi,ee cagafta iyo baabuurta dawlada iyo kuwa Shacabkaba jajabiyay Sharciyada marnaba kaga hadhi mayno,waxaan mahad u celinayaa shacabka kale ee badan ee xaafada dagan.”ayuu sheegay Maayir Soltelco.

Waxaanu intaa ku daray “way xanuun badantahay marka hore khalad ku gal wadada oo guri ka dhiso, way xanuun badantahay in qofka marka danbe aqalkiisa la dumiyaa hadana u dhabar adaygaayay iyaga oo la duminaayo aqaladii ay hantidoodu ku jirtay.

“Waxaan leeyahay waxaa la sameeynayaa waa hawl danguud ah ,oo ah mid ummada oo dhan u adeegaysa,maanta markay halkaas saxmadu ka taagantahay, qofka doonaya in uu tago,Ambasador ,qofka doonaya inuu tago Haaf london,dee halkan ayuunbu ka boodayaa,ama wado kale oo halkan marta ayay noqonaysaa,isku xidhka magaalada ayayna fududeynaysaa,waxayna sameynaysaa qofka aqalkisi qeeybtalaga dumiyay maahe qeybta kale waxay u noqonaysaa inay u sameyso goob ganacsi,oo ka faa’iido badan qiimahiina uu aad ugu kaco”ayuu ugu dambeyn wariyeyaasha u sheegay.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa horaantii bishan Janaury sharci cusub ku soo rogtay marista Waddooyinka waaweyn ee dhex mara Caasimada, khaasatan kuwa Suuqa dhex mara oo haad qudha laga dhigay midiiba Xaafadda Shacabka ilaa New Hargeysa, taasoo wax weyn ka bedeshay saxmadii Gaadiidka ee Suuqa dhexdiisa, balse dhanka kale saameyn ku yeellatay isu socodkii caadiga ahaa ee Badhtamaha Magaalada.

soltelco1-80x106

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS