haatuf.net
Mudaharaado Lagaga Soo Horjeedo Dilka Wiil 18 Jir Ah Oo Ciidanka Bilaysku Xalay Toogteen Oo Ka Dhacay Magaaladda Hargeysa
January 30, 2015 - Written by Admin Two

mudaharaadka wiilka la dilayHargeysa, order January 30, adiposity 2015 (Haatuf) – Galinkii hore ee  maanta ayaa waxa degmada Maxamuud Haybe ee Magaalada Hargeysa gilgilay mudaharaado balaadhan oo ay sameeyeen dhalinyaro ka gadooday wiil dhalinyaro ah oo degmadaasi xalay ay ku dileen Ciidanka Bilaysku.

Isku soo baxan oo socday muddo saacaddo ah ayaa waxaa markii dambe rasaas ku kala dareeriyay oo awood ciidan u adeegsaday xukuumadda Siilaanyo, kuwaas oo aan si dhab ah loo ogayn khasaaraha ka dhashay.

Wiilkan dhalinyarada ahaa ayaa isagu xalay geeriyooday kadib markii ciidanka Booliska iyo dhalinyaro iska hor imaad ku dhex maray garoonka kubadda cagta ee Iskuulka Maxamuud Axmed Cali ee magaaladda Hargeysa. Wiilkan geeriyooday ayaa magaciisa la odhan jiray, Maxamed Cali Ismaaciil da’diisana lagu sheegay 18 jir. Toogashada Booliska ayaa dhacday kaddib markii Ciidanku isku dayay inay qabqabtaan dhalinyarada oo garoonka ku ciyaaraysay oo la sheegay inay isku xanaaqeen ayuu Boolisku isku dayay inuu qabqabto  balse ciidanka ayaa iska caabin kala kulmay dhalinyarada.

Ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay laamaha amaanka dawladdu ma jiro, hase ahaatee geerida Inanka dhalinyarada ah waxaa ka dhashay muddoharaad ay abuureen dhalinyaro ka gadooday geerida wiilka ka tirsanaa,kuwaasi oo xidhay Jidka Total ilaa Sabo-xareed kuna, kuwaas oo lagu gubay taayiro kaddib markii Mudaharaadku muddo socday ayaa Ciidanka amaanku xoog u adeegsaday, waxaana intii u dhexaysay 9:00 fiidnimo iyo 10:00-kii si aada looga dareemay tacshiirado rasaas ah oo Boolisku u adeegsaday Muddaharaadayaasha.

 

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS