haatuf.net
Human Rights Watch Oo Warbixin-Sanadeedkeedii Ku Xustay In Haatuf Ay Galaafteen Maqaalo Ay Ka Qortay Musuqmaasuq Hadheeyey Wasaaradda Macdanta S/land
January 30, 2015 - Written by Admin Two

Human Rigthts WatchHargeysa, anesthetist January 30, 2015 (Haatuf) – Hay’adda caanka ah ee u doodda xuquuqda aadamaha ee Human Rights Watch ayaa warbixin-sanadeedkeedii 2014 oo doraad soo baxday waxay ku xustay xadhigii guddoomiyaha Haatuf  Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo tafatirihi wargayskaas Axmed Cali Cige iyo xukunkii ay maxkamadda gobolka Hargeysa  ku ridday sanadkii ina dhaafay.

Warbixintan oo ka koobnayd 656 bog waxay Human Rights Watch kaga hadashay xaaladihi ay xuquuqda aadamahu ku sugnaayeen sanadkii hore ee 2014-kii, taas oo xayiradii ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku soo rogtay wargeyska Haatuf ku tilmaamtay mid ka dhalatay maqaalo taxane ahaa oo wargeysku ka qoray musuqmaasuq hadheeyey wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee Somaliland.

Hay’adda Human Rights Watch waxay  qormo-sanadeedkeedan kaga hadashay xaaladihii xuquuqda aadamuhu ku sugnaayeen sanadkii hore oo in ka badan 90 dal oo ka mid ah wadamada dunidda.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS