haatuf.net
“Jacaylka Turkigu U Qabo In La Soo Celiyo Midnimo Soomaaliyeed Maaha Mid Qarsoon, Laakiin..”Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar
January 31, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, clinic January 31, medicine 2015 (Haatuf) – Wasiirkii hore ee Ganacsiga Xukuumadda Siilaanyo isla markaana wakhtigan ah ergay ururadda Midawga Yurub iyo Afrika u qaabilsan dalalka qalalaasuhu ka jiro ee qaaradda Afrika Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar ayaa daboolka ka qaaday inaanay dawladda Turkigu dhexdhexaad ka ahayn wada-hadalada Somaliland iyo Somalia, drugs kaas oo  sheegay in Turkigu aad u danaynayaan midnimada Hargeysa iyo Muqdisho.

Dr. Maxamed, oo uu u waramay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay in booqashadani muujinayso sida uu Turkigu u danaynayo arrimaha Somaliya, isagoo sidoo kale sheegay inuu danaynayo wada hadalada Somaliland iyo Somaliya.

“Booqashada Madaxwaynaha Turkiga ee Somaliya oo ah tii labaad muddo yar gudahood waxay muujinaysaa ahmiyadda siyaasadeed iyo ta istaraatijiyadda fog ee uu Turkigu ka leeyahay Somaliya iyo mandaqadda Geeska Afrikaba.  Dhinaca wada hadalada Somaliland iyo Somaliya si wayn buu madaxwaynaha Turkigu u danaynayaa.  Waxaa markhaati u ah kulankii uu la yeeshay madaxwayne Xassan Sheekh iyo madaxwayne Axmed Silaanyo 14 April 2013 magaalada Ankara oo soo jiidatay indhaha caalamka.”

Dr. Maxamed Cabdillaahi, wuxuu dawladda Turkiga u soo jeediyay inaanu keligii isku koobin wda hadashiinta Somaliland iyo Somaliya. “Haseyeeshee waxaa fican in aanu Turkigu kaligii  Isku koobin wadahadashiinta labada geesood, wadamada kalaba waa inuu u ogolaadaa inay qayb ka noqdaan.” Ayuu yidhi.

Maxamed Cabdillaahi, oo la su’aalay in dhexdhexaadnimadii Turkiga ee Somaliland iyo Somaliya ay weyd noqonayso marka la eego culayska uu saarayo Madaxweyne Erdogon dhinaca Somaliya, waxaanu yidhi “Waxa loo baahan yahay in la fahmo in ilaa imika Turkigu aanu ahayn dhexdhexaadiye (mediator) ee waa meel (venue) fududaysa in Somaliya iyo Somaliland ku kulmaan. Waana sababta keentay inaanu Turkigu culays wayn iska saarin fulinta qodabadii ilaa hadda lagu heshiiyay, waayo waxay dhexmareen uun Somaliya iyo Somaliland.”

Maxamed Cabvdillaahi, oo la weydiiyay in dawladda Turkigu u muuqato inay xiisaynayso midnimadii burburtay ee Somaliland iyo Somaliya, wuxuu yidhi  “Jacaylka Turkigu u qabo in la soo celiyo midnimo Somaliyeed maaha mid qarsoon.  Laakiin maaha mid ay ku khasbayaan  Xukuumadda iyo shacabka Somaliland.”

Isagoo ka hadlaya mashaariicda uu Turkigu siiyo Somaliya iyo kuwa uu ka fuliyo Somaliland, wuxuu Dr. Maxamed yidhi “Dhinaca kale markaad eegto waxqabadka Turkigu siiyo Somaliya wuu  ka shilis yahay kana badan tahay ta uu siiyo Somaliland, waana arrin ka turjumaysa halka uu xoogga saarayo”. Source: Geeska.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS