haatuf.net
Dowladda Ethiopia Oo Ka Hadashay Mawqifkeeda Markabka Hubka Ee Berbera Ku Xayiran
January 31, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, pills January 31, 2015 (Haatuf) – Dawladda Ethiopia oo markii u horaysay ka hadashay mawqifkeeda Markabka Hubka ee ku xayiran dekadda magaaladda Berbera, kuwaas oo sheegay inay arrintaasi u direen Sarkaal Ethiopian ah soo eega xaaladda Markabkaasi.

Safiirka Ethiopia u fadhiya Somaliland, Ambasador Brig Gen BerheTesfaye, ayaa sheegay in arrinta Hubka Somaliland Berbera ku qabatay xilkeedu saaran yahay Somaliland, balse sarkaal safaaraddiisa Hargeysa ka tirsan oo ay Hubkaasi u direen uu ahaa xogogaal u noqoshada arrimaha hubka oo kaliya.

Ugu horayn Ambasador Berhe Tesfaye, oo ka hadlaya warar ku saabsan in loo diiday tegista Berbera waxa uu yidhi“Waxba kama jiraan socdaal aan ku tagayay dekedda Berbera  oo aan ku soo eegayay markabka oo lay diiday, balse waxaa jiray Sarkaal ka tirsan Safaaradda itoobya ee Somaliland oo socdaal ku tegay xogogaal u noqoshada arrimaha la xidhiidha markabka iyo waxa saaran”.

Safiirka Ethiopia waxa uu sheegay inaanay ka wada hadal Somaliland arrimaha Markabka, maamulida arrinta markabkanina tahay mid Somaliland u taala “Kamaanu wada hadal, sabab aan u waydiiyana ma jirto, waa hawl xilkeeda ay leedahay somalland haddii arrimo saamayn leh ay qabaan way nala wadaagi karaan” ayuu yidhi Safiirka oo Wargeyska Himilo la hadlayay.

Safiirka Ethiopia u fadhiya Hargeysa,  isagoo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas raaciyey  “Tagitaanka Sarkaalka Safaaradda ee dekedda Berbera wuxuu ahaa kormeer caadi ah oo xogogaal ugu soo noqonayay arrimaha markabkaas iyo waxa uu sido inaanu cadow lahayn, waana arrin aanu wada shaqayn ka leeenahay xagga amaanka Somaliland”.

Dawladda Somaliland, ayaa wali baadhis ku haysa Markabka Hubka lagu qabtay MV Shakir oo ku xidhan Dekedda Berbera.maadaama Somaliland iyo Somalia cunoqabatayn hub saran tahay waxaa muuqata in Indhaha Caalamka iyo dawladdaha jaarku si aada uga shakiyeen Hubkaasi oo si sharci darro ah dekedda ku soo galay ilaa haddana aan la xaqiijin cidda leh iyo halka uu ku wajahnaa. Source:Ramaas.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS