haatuf.net
War Degdeg Ah: Wasiir Samaale Oo Diiday Xilkii Wasaaradda Waxbarashadda Ee Madaxwayne Siilaanyo Xalay U Magacaabay
February 28, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, medstore February 29, medstore 2015 (Haatuf) – Siday ay sheegayaan ilo-wareedo looga qaateen ah oo Haatuf la soo xidhiidhay Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland C/casiis Maxamed Samaale ayaa la sheegay inuu diiday xilkii wasiirka waxbarashadda iyo tacliinta sare ee uu xalay Madaxwayne Siilaanyo u magacaabay.

Sida ay sheegayaan xogaha Haatuf soo gaadhaya wasiir Samaale oo markii isku-shaandhayntu xalay dhacday ku jiray socdaal uu gobolada bariga ku marayey ayaa xalay nuskii danbe kasoo noqday magaaladda Ceel-afwayn, kaas oo wakhtigaas kusii jeeday magaaladda Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Ma jiro wax war ah oo si rasmi ah uga soo baxay C/casiis Maxamed Samaale. Wixii kasoo kordha arrintaasi kala soco Haatuf.net.

Samaale

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS