haatuf.net
“Diyaar Uma Ihi Inaan Xil Kasii Qabto Xukuumadda Uu Hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo”
March 1, 2015 - Written by Yuusuf Gaboobe

“Xilkaa Waan Wareejinayaa Wax Qalooca Keenayna Waxan Filayaa Inuu Madaxweynuhu Ogaan Doono, pharm Waxaanan Filayaa In Wax Hadda Qarsooni Ay Jiraan Oo Soo Bixi Doonaan”Wasiirkii Hore Ee Maaliya C/Casiis Samaale

 

 

Hargeysa, March 1, 2015  (Haatuf) – Wasiirkii Hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa markii ugu horraysay si cad u sheegay inaanu qaban doonin xilka Wasaaradda Waxbarashada ee habeen hore uu Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay.

Mr Samaale waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargeysa, isla markaana waxa uu tilmaamay inaan wax talo ah lagala yeelan magacaabistiisa xilka cusub, isla-markaana uu go’aansaday inaanu xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo kasii mid ahaan karin. Isagoo arrimahaasi ka hadlayana, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Walaahi madaxweynuhu wuu mahadsan yahay xilkaas maan aqbalin, mana aqbalayo diyaarna uma ihi inaan xilkasii qabto dawladda uu madaxweynaha ka yahay madaxweyne Siilaanyo”.

Cabdicasiis Maxamed Samaale oo sababeeyey Xilka-qaadistiisa, ayaa cabasho ka muujiyey Hannaanka Xilka Looga qaaday, waxana uu xusay inuu Madaxweyne Siilaanyo baalmaray Saaxiibtinimadii dheerayd ee Mudada dheer usoo dhaxaysay, waxana uu yidhi “Wafti wasaaradda Maaliyadda katirsan oo oo ilaa DG-ga ayaan safar ugu maqnayn safarkaas, madaxweynahana waanu ka wada soconay, habeen ka horna waan u sheegay inaanu safarkaas ka soo noqonay, kalgacal iyo wanaag baanu isku ogayn si lama filaan ayey arrintu u dhacday xilka qofka waa laga qaadi karaa, laakiin dareenkayga madaxweynuhu iyo saaxiibtiniimadii nasoo martay midna muu eegin”ayuu yidhi Samaale.

C/casiis Samaale oo Hadalkiisa Sii Wata, ayaa inuu si degdeg ah u wareejin doono Xilka Wasaaradda Maaliyadda, waxana uu Hoosta ka xarriiqay inay jiraan Wax qarsoon oo dhawaan soo bixi doonaan,

“Xilkaa waan wareejinayaa wax qalooca keenayna waxan filayaa inuu madaxweynuhu ogaan doono runtii madaxweynaha waanu isku dhawnahay, waxaanan filayaa in wax hadda qarsooni ay jiraan oo soo bixi doonaan”ayuu yidhi Samaale.

Samaale oo ka Jawaabayey su’aal la xidhiidhay halka uu ku dambayn doono hankiisii Madaxweynenimo ee uu hore u shaaciyey, ayaa sheegay inuu sii wadi doono, isla-markaana iscasilaadiisu fursad u tahay ka midho dhalinta hankiisa dambe, waxana uu yidhi “Sidii buu hankaygu yahay mawqifka aan qaatayna waxan aaminahay inuu wax ka tari doono Hankayga”.

Wasiir Samale, ayaa Noqonaya Wasiirkii ugu horreeyey ee iska diida qabashada xilka wasaaarad loo magacaabay tan iyo intii xukuumadda madaxweyne jirtey, waxana la sheegayaa in Wasiir Samaale ay lama filaan ku noqotay in madaxweyne Siilaanyo uu ka xayuubiyo xilka Wasaaradda Maaliyadda oo uu aaminsan yahay inuu si fiican usoo maamulay.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS