haatuf.net
“Wadaadow Waxaad Tahay Tuug, Beenaale, Khaayin Oo Waxaad Tahay Nin Xun…”Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi
March 3, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, rx March 3, for sale 2015 (Haatuf) – Guddoomiyaha Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, pills ayaa ka hadlay doorka ay culimada dalku ku leeyihiin dhaqaalaha dalka iyo weliba siyaasadda, waxaanu si faalayn ah uga hadlay natiijada ka dhalanaysa oo uu si kaftan ah u dhigay.

Md. Biixi, wuxuu hadal ka jeediyay munaasibad toddobaadkan loo sameeyay furitaanka shirkadda Takaful Insurance ee caymiska oo Hargeysa lagu qabtay. Waxa kale oo uu ka hadlay madaxda xisbiyada mucaaradka oo uu sheegay inay yihiin odayaal samotalis ah oo aan laga waanin Karin dalka.

Ugu horayn isagoo ka hadlaya xisbiyada mucaaradka wuxuu yidhi  “Horta  waxa aanu is nidhi Saddexda Guddoomiye iyo Madaxweynuhu dhawr iyo Tobankii Sanno ee Xisbiyadu jireen waa Raggii Xisbiyada Madaxda u ahaa, Walibana qolada reer Kulmiye haddii aanu nahay waanu ka sii waaya-aragsanahay oo Sodon Sanno oo ka horeeyey  waanu haynaa waayo araga dalka, Cirro iyo Faysal,iyo Anaguba waxa aanu u soo joognay Codeyntii (Vote-kii), ugu adkaa ee ugu horeeyay  ee Rayaale lagu doortay, Labadii Xisbi ee dhacay ayaanu ahayn, walibana waxa anaga noo sii dheera in yar oo Sideetan ah, ayaa la yidhi ku taga, qoladii tidhi ma hadli kartaan oo dalka ayaa loo danaynayaa, ee halka iskaga kaaya taagtay  Cirro iyo Faysal ayey ahaayeen, Rag galena maaha  danta dalka oo laga waaniyo”.

Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayey muddo kordhintii Daahir Rayaale loo sameeyey ayaa yidhi “Kordhsiimadii ayaa timid, Kulmiye Iyo UDUB ayaa is qabsaday oo Cirka ayey isku shareertay oo waa tii mar qirin qiiro la galayoo, Cirro iyo Faysal ayey ahaayeen kuwii halkaa iskaga kaaya taagay ee yidhi car juuq dheh Kulmiyoow waa la kordhinayaaye, walibana laba goor, waana waaya-arag nin walbana waxa ka horeeysay danta Qaranka”.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Qoladayda SNM, marka aad iska dhaafto, Faysal iyo Cirro, 19-Sanno ee dalka lagu jiray reerahoodii may arag, Caruurahoodii may arag, wey dayaceen, dan Qaran ayey u go’een, may shaqo tagin, dan guud ayey ku jireen, markaas Rag Maanta Mucaaradnimo wax ku xumaynaya oo looga baqo maaha, Siillaanyo afartan Sanno oo uu dalkan Madaxweyne ka ahaa ayuu marayaa, aniguna Sodon Sanno ayaan marayaa, Toban Sanno ayaan ka hooseeyey, Maanta dad Somaliland laga waaniyo, haddii aanay balaayo kale nagu dhicin ma nihine taas ka seexda, dantuun ayeynu raaci doona, oo wanaag ayaa iman done,Suldaan taas ka bogsada, oo Xisbiyadu qaar Maanta loo baqayo maaha.”

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ayaa mar uu ka la hadlaayey Culimada yidhi “Wadaadada horta mala kaftamaa. Waxa aan leeyahay dhaqano cusub ayaa inagu soo baxay, Wadaadku wuxuu isa soo taagay halkii cid walba lagu maagi jiray, Dalka Dhaqaalaha  Maanta waxa haya Wadaado, Nin taajir ahna waa la caaya, waa la tuura, oo inta uu qadinayo ayaa badan, inta uu ka seexanayo ayaa badan, inta uu dhaafayo ayaa badan ee idinku halkii ayaad timadeen ee haddii la idin yara taataabto ha diidina.  Waxa ka sii daran Siyaasada, mar haddii aad Siyaasi tahayna waxa aad tahay Tuug, oo Beenaale ayaad tahay, oo Khaayin ayaad tahay, oo Nin xun ayaad tahay, oo Inanka wanaagsani Gurigiisa ayuu jooga, laakiin haddii aad fagaaraha iskeento ogolaw.  Culimooy siyaasdiina waad soo gasheen hadaba sidee ayaa loo kala Nabadgelayaa?  Suaashu waxay tahay idinka ayaa Garoonkii is keenee side loo kala nabadgayaa, taas cid kale ayaa ka taliln doonta, anigu Culimadu waa Culimadaydii oo meesha ay yimaadanba way ku wanaagsan yihiin,waana Niman wanaagsan, mid baan se odhanayaa dabaqada ugu sareeysa ee Maanta dalka dhaqaale lihi waa Culimo, Tacliintii idinkaa haya, Isgaadhsiintii idinka ayaa haya,Dhakhaatiirtii idinka haya, Kaashkii idinka haya, Bakhaaradii idinka haya, haddaba xadiiskiina waad haysaan oo mar kastana waad na waaninaysaan oo waxa aad na leedihin dan yarta ha la daryeelo, oo Nabigu SCW waxa uu yidhi Agoonku waa sidaaas, waayahay eee Iskuulada aad dhigaysaan ee walibana Diinta lagu baranaayo, oo dadku ha wada barto oo kii Doolar haystaana yaanu baranin kii Doolar waayana yaanu qadin, taclinta ina wada gaadhsiiya walaalayaal, Bakhaarada Cuntada idinka  ayaa soo dejinaya, ixtikhaarkuna waa xaaraan oo waad taqaaniin, Baayac-mashtarka dhiig miiradka ahina waa xaaran oo waa kii aynu ka dagaalanay, mar haddii aad culimo tihiin Cuntada inoo jabiya oo ILLAAHAY ka yaaba, Shidaalka Culima keenta, Adduunkii wuu ka jabay, inagana wuu inaga jabi doonaa Insha ALLAAH, ILLAAHAY Culimada ha inoo barakeeyo”. Xigasho:Wargayska Geeska Africa

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS