haatuf.net
Daawo Oo Akhriso “Haddii Aynu U Aragno Cashuurta La Inagu Kordhiyey Inay Miisaaniyadu Korodhay Waa Nasiib-Daro, Is-Casilaada Samaale Waxaan U Arkaa Qodax Ka Go’day Siyaasadda Guud Ee Bariga Afrika Khaas Ahaan…” Wasiir Ku Xigeenkii Hore Ee Amniga
March 4, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, generic March 4, shop 2015 (Haatuf) – Wasiir Ku Xigeenkii Hore Ee Amniga Ee C/Laahi Abokor Cismaan ayaa soo dhaweeyey is-casilaada wasiirkii hore ee maaliyadda C/casiis Maxamed Samaale, pills kaas oo go’aankiisa  Samaale ku tilmaamay qodax ka go’day guud ahaan siyaasadda bariga Afrika gaar ahaan ta xukuumadda Siilaanyo waa sida uu hadalka u dhigaye.

C/laahi Abokor waxa sidaas ku sheegay shirjaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaaladda Hargeysa, ugu horayna isagoo arrimahaasi ka hadlaya, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waan soo dhawaynayaa is-casilaada wasiirkii hore ee Maaliyadda, waxaanan run ahaantii u arkaa qodax ka go’day siyaasadda guud ee bariga Afrika khaas ahaan xukuumadda Somaliland, waliba gaar ahaan  ta xisbiga Kulmiye ee uu hogaamiyo Madaxwayne Siilaanyo. Waxaanay iila muuqataa is-casilaaddaasi duco laga aqbalay shacbiga Somaliland”

C/laahi Abokor mar wax laga waydiiyey sababta uu is-casilaada Samaale u usoo dhawaynayo iyadoo ay dad badan oo reer Somaliland ahi arrintaas meel adag ka taagan yihiin, waxa uu yidhi “Qofku sida aad u aragto uun maaha ee waa sida ay ummadu u aragto, qofka binu-aadamka ah taariikhdiisa ayuun baa dib loo eegaa, waxaad ogaydeen ceebtii ka dhacday nidaamkii shaqaalaha ee dawladda, waxa kale ood ogtihiin shaqaalihii wasaaradiisu siday wax u maamuleen oo waa arrin xogogaal loo ahaa, waxa kale oo aad ogtihiin maalintii xilka loo dhiibay Samaale $1 wuxuu marayey 6,200 shiling maantana waa 7,500 shiling, lacagtii dalkana 20% baa hoos u dhac ku yimid, waxaanay taasi muujinaysaa uun in dhimmaankii iyo sablaaygii uu kala sareeyo oo baahidii meesha taalay iyo wixii soo baxayey oo macno ahaan baahidii meesha taalay iyo sidii lacagtii meesha taalay loo isticmaalayey ay kala badan tahay. Waxa kale oo aad ogtihiin in nidaamka loo maro qandaraasyada qaranku inuu aad u fool-xun yahay oo nidaamka ay dawladu u marto nidaamkeeda wax iibsigu aad buu  runtii u hooseeyaa oo waa arrin iska macruuf ah oo shaqsiyaad caadi ah ayaa ka shaqaysta ilaa yoomanaa haaddaa, markaa adigu isku soo wada duuboo meel aynu ku amaani karno oo aynu odhan karno wuu ku wanaagsanaa wasiirkii hore ee maaliyadu ma jiro. Mida kale haddii aynu u aragno marka inaga cashuurta la inagu kordhiyey inay miisaaniyadu korodhay waa nasiib-daro oo ninku waa inuu wax keenaa maaha in guryo la iibiyey iyo lacag lasoo daabacay in la yidhaa miisaaniyadii baa korodhay waa wax ceeb ah oo aduunyadu way inala yaabaysaa hadii aynu waxaas ummadda u sheegno, markaa iima muuqato wax uu kordhiyey Samaale”.

Wasiir Ku Xigeenkii Hore Ee Amniga Ee C/Laahi Abokor Cismaan isagoo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas raaciyey “Aduunyadu waxa uu dal walba ku xisaabtamaa faa’idooyinka dalalka jaarka, waxaad ogtahay in inaga dalka Ethiopia inala jaaryahay oo waxa la qiyaasaa dadkiisu in ilaa sanadka 2020-ka inuu gaadho 80 ilaa 100 malyan oo qof, waana dal aan lahayn bad isla markaana inaguna waxa aynu leenahay badda ugu dheer bariga Afrika oo 815KM weeyaan xeebteenu, waxaanay ahayd inaynu ka faa’idaysano baahideena oo waxa inala gudboonaa inaynu isku dheeli-tirno ganacsiga inaga iyo Ethiopia inoo dhexeeya oo maadaama oo khudaarta iyo qaadka iy waxyaabo badani inooga yimaadaan inaguna inaynu khayraadkeena u iibgayno ayey ahayd. Waxa jirta daraasad ay sameeyeen niman dhalinyaro ahi oo lagu sheegay in sanadkii aynu Ethiopia ka faa’idi lahayn 300 ilaa 400 malyan oo doolar oo ah is-waydaarsiga xaga ganacsiga iyadoo aynu ognahay in miisaaniyada dhan ee dalkeenu tahay $200 malyan markaa lacag kusoo libin-laabmaysa ayeynu ka heli lahayn arrintaasi, adigu markaan nuxurka hadalkayga soo ururiyo sababta aan u leeyahay waa qodax bariga Afrika ka go’day Samaale, waxaan aaminsanahay inuu xidhiidhka ganacsi ee inaga dhaxayn lahaa Ethiopia inuu isagu ka mid ahaa shaqsiyaadka hortaagan”.

C/laahi Abokor mar wax laga waydiiyey arrinta Dekadda Berbera, waxa uu yidhi “Arrinka dekadda hadii aan waxyar ka idhaahdo waxaan cadaynayaa inaan Dekadda Berbera lahayn cid gaar ahi oo ay tahay dekad qaranku wada leeyahay oo reer Somaliland oo dhan u dhaxaysa, waxaanan jeclahay oo aan aamin sanahay in talaabo kasta oo la qaadayo inay noqoto mid ummadda wax usoo kordhinaysa, waynu ogayne TOTAL baa inoo timid in mudo ah bay inala joogtay oo wax isbadal ah oo  ay samaysay ma jirin, shirkaddan kale ee Faransiiska ah ee la leeyahay Dekadda lagu wareejinayaana sidii TOTAL ayuun bay noola muuqataa  oo waxaan filayaa inaanay waxba soo kordhinaynin”.

Halkan hoose ka daawo Muuqaalka warkan oo dhamaystiran;-

 

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS