haatuf.net
Siiraanyo Isku Heli Maayo Muddo-kordhin, Khasnadda Dawladda Oo La Caseeyo Iyo Saxaafadda Oo Albaabada Loo Xidho
March 24, 2015 - Written by Admin Two

 Haatuf Staff Writer

Madaxwyne Siiraanyo doorasho dambe oo uu isa soo taagayaa ma jirto, asbaabaha ku kalifayana in uu sidaas yeelo iyadoo hal muddo-xileed (term) u hadhsanyahayna waynu ka wada dheragsanahay waxay yihiin.

Waxa kale oo aynu ognahay in madaxweynaha iyo qoyskiisu ay halkan soo dhigteen qorshe ah muddo-kordhin 2 sanadood ah, taasoo ay kala shaqeynayaan ragga ku mamay musuqa iyo boobka hantida ummadda sida Buur-madow, Cali Mareexaan, wasiirada Maxamuud Xaashi iyo Samsam iyo dabcan Saleebaan Gaal iyo qaarkale oo badan.

Ninka-se  hadh iyo habeen ordaya ee la moodo in waqtigii ku soo gaabtay waa wiilka madaxweynuhu soddoga u yahay ee ku walfay musuqmaasuqa iyo ku-tagrifalka awooda dawlada ee Baashe Cawil. Fadeexadaha tiro beelay ee Baashe ku baabiiyey magicii Siiraanyo waxa u dambeysay tan uu Isbaarada

dhigtay dekaddii dhameyd ee ummadda wax uga soo degayeen ee uu lacagta khasabka ah kaga urursanayo gaadiidkii dalka dibadda uga imanayey.

Wargeyska Indian Ocean Newsletter ayaa cadadkiisii 27/2/2015 ku sii sheegay in Baashe iyo nin Baakistaani ahi ay mashruucan ku shuraako yihiin oo ay wasiirka Hawlaha Guud-na khasab

kaga qorteen warqad sharciga baalmarsan oo u fasaxaysa inay gaadhi kasta oo soo dega ay lacag $50-120 u dhaxaysa ka qaataan taasoo ay ku magacaabeen ‘mushqaayadda baadhitaan lagu sameynayo baabuurta dekadda ka soo degta.

Haddii uu Siiraanyo diyaar u yahay doorasho dambe kamay suurtowdeen inuu aqbalo in lagu diro dadkii uu foodka ka dooni lahaa oo magaciisana dhulka la jiid-jiido.

Odaygu haddii uu doorasho rabo Saxaafadda dagaal kumuu qaadeen Haatuf iyo Hubaal-na ilaa maanta may xidhnaadeen ee waa nin doonaya in aan ceebahiisa la faqfaqin ilaa inta uu kursiga ka dagayo oo waxa uu ogyahay in sidii kuwii hore aan hadhaw waxba loo raaceyn.

Muddo-kordhinta iyo saxaafad la-dagaalanka waxa uu dheer Kulmiye oo uu diidanyahay inuu iska soo dhex magacaabo murashaxii xisbiga uga qaybgali lahaa doorashada madaweynaha dalka marka

la gaadho .Waxa cad in Siiraanyo uu doonayo in aan arintaas lagu dhawaaqin ilaa uu muddo-kordhinta haleelo, xataa waxay uu eektahay in haddii uu kordhinta ku guulaysto in aanu jeclayn in go’aan degdeg

ah arintaasi laga gaadho ee uu doonayo inay qabyo ahaato ilaa sacaadaha u dambeeya intaanu kursiga ka degin taasoo muujinaysa in Kulmiye uu cagta saaray dhabbadii Daahir Riyaale ku baabiiyey  UDUB markii uu kala saari waayey nimankii ku loo-lamayey hogaankii xisbiga.

Hadaba Kulmiye yeelkadiiye, madaxweyne Siiraanyo isku heli maayo saxaafad albaabada loo laabo, car quudh dheh iyo muddo-kordhin laba sanadood ah oo dadka la dhaco xoolaha ummaddana la boobo

dabeeto UDUB-tii $50 milyan khasnadda dawladda caseysay la yidhaahdo saleelo.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS