|
|||||
haatuf.net
Guddida Ururka Ardayda S/land Ee Turkiga Oo Ka Digay Mashruuc Hargeysa Ka Bilaabmay Oo Lagu Sheegay In Deeqo Waxbarasho Oo Heer Jaamacadeed Ah Dalkaas Lagaga Helayo
March 26, 2015 - Written by Admin Two“Siday Noo Xaqiijiyeen Dad U Dhiban Arrintan Qadarka Lacagta Ay Qaadanayaan Kooxdani Wuxuu Ku Bilaabmay $2000 Wakhti Xaadirkana Wuxuu U Dhaxeeyaa $6000 Ilaa $8000 Oo Doolar”
Hargeysa, patient March 26, viagra 2015 (Haatuf) – Guddida guud ee Ururka Ardayda Somaliland ee dalka Turkiga ayaa shacbiga reer Somaliland uga digay mashruuc laga bilaabay iskuulka Shamsidiin ee magaaladda Hargeysa, kaas ay sheegeen in lagu majaro-habaabinayo bulshadda. Mashruucan ayey guddidu tilmaameen in sifo xaqiiqada ka fog lacag badan lagaga guranayo ardayda reer Somaliland, iyadoo looga dhigayo in la gaynayo jaamacaddo bilaash ah oo ku yaala dalka Turkiga, taas oo ay ku sifeeyeen arrin been abuur ah. Waxaanay sidaasi ku sheegeen guddida ururka ardayda reer Somaliland ee dalka Turkiga warsaxaafadeed ay soo saareen oo nuqul ka mid ah ay soo gaadhsiiyeen Haatuf, isla markaana ay ku saxeexan yihiin guddoomiyahooda AbdiAziz Sheikh Mohamed iyo xoghayaha guud ee ururkaas Abdifatah Hassan Yusuf. Qoraalkoodaasina isagoo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan:- “Waxa in muddo ku dhawaad labba bilood ah ka jiray dalka khaasatan magaalada Hargeysa in iskuulka Shamsidiin oo ka mid ah iskuulada ku yaala magaaladaasi ay wadeen mashruuc ay ku sheegeen inuu yahay deeq waxbarasho oo ay wadankan Turkey-ga gaynayaan cidii danaynaysa. Waxaanay dadka u sheegeen in deeqdaas waxbarasho ay kaafinayso dhamaan baahiyaadka aasaasiga ah ee ardayga sida meelihii ay dagi lahayeen, waxbarasho bilaasha oo ardaygu kuuliyada uu rabo uu gali karo iyo caafimaadkiisaba. Waxa intaasi dheer, siday noo xaqiijiyeen dad u dhiban arrintan waxay noo sheegeen in qadarka lacagta ay qaadanayaan kooxdani inuu ku bilaabmay $2000 wakhti xaadirkana u dhaxeeyo $6000 ilaa $8000 oo doolar. Haddaba annaga oo ah guddida guud ee ururka ardayda Somaliland ee Turkiga waxaanu halkan ka cadaynaynaa kadib markii aanu u kuur galnay arrintana dhinacyo badana kasoo baadhnay in aanu ahayn arrinkani mid u jira sidaa ay u sheegeen balse uu yahay 6 bilood oo luuqad ah iyo tababar ay u tababarayaan ardayda imtixaan la yidhaahdo YOS oo ah imtixaan dadka ajaanibta ah ee raba inay Turkey wax ka bartaan galaan, sida ay noogu warameen maamulka machadka luuqadaha ee Ya?am Boyu E?itim Markezi (YBEM) oo ka tirsan jaamacada Suleyman Demiral University ee magaalada Isparta. Waxa maamulka mac-hadkaasi noo sheegay inaanay waxba kala socon qoryaashahaa ay kooxdaasi wataan marka laga reebo inta heshiiskoodu ahaa oo ah in arday kasta wixii kharashaad nololeed uu isagu isku qabo, xadiga lacageed ee tababarkaasina uu dhan yahay $2000. Sidaa darteed waxaanu shacabkayga ku wargalinaynaa inay sidaa u ogaadaan, iska hubsadaana meesha ay lacagtooda ku bixinayaan. FG: Qofkii isagu sidaa ku raba ee luuqada doonayana waa wax u furan”.
CONTACT US : haatufnews@hotmail.com COMMENTS
|
|||||
|