haatuf.net
Madaxwayne Siilaanyo Oo Dib u dhaca Doorashooyinka Iclaamiyey Xili Ay Mudo-Xileedkiisa Uga Hadhsan Tahay 90 Maalmood Oo Kaliya
March 28, 2015 - Written by Admin Two

“Waxaa Muuqata In Uu Dib-U-Dhac Jiro, unhealthy Waxaan Leeyahay “Nin Reer U Weyni Sida Uu Wax U Ogyahay Uma Wada Sheegee, health Cidda Eeddaa Yeelata Way Soo Bixi Doonta”Axmed Siilaanyo

 

Hargeysa, ampoule March 28, 2015 (Haatuf) – Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa sheegay inaanay doorashooyinkii Madaxtooyadda iyo Wakiiladu wakhtigii loo qorsheeyey aanay qabsoomi doonin, kaas oo dib u dhaca doorashadda masuuliyadeeda u sibir-saaray cid aanu magac-dhabbin.

Axmed Siilaanyo ayaa dib u dhaca doorashadda iclaamiyey maanta mar uu Baarlamaanka qudbad sanadeedkiisii ka horjeedinayey iyadoo ay mudo-xileedkiisa uga hadhsan tahay 90 maalmood oo kaliya, isla markaana xisbiyada mucaaridka ayaan wali iyagu ka hadlin hadalkan ka soo yeedhay Madaxwayne Siilaanyo oo ah masuulka uu xilka ugu badani ka saaran yahay qabsoomida doorashooyinku.

Ugu horayna Madaxwayne Siilaanyo ayaa qudbadiisii uu maanta u jeediyey labada golle ee wakiiladda iyo guurtidda ayaa markii uu ka hadlayey dib u dhaca doorashadda, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaa aynu joognaa xilli ay inoo qorshaysnaayeen Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiilada. Haseyeeshe, waxa ka soo baxay Komishanka Doorashooyinka Qaranka hindise ay ka muuqato in doorashooyinku wakhtiigoodii dhaafayaan. Waxa aan halkan ka caddaynayaa, horena idinku sheegay in Aniga, Xukuumadayda iyo Xisbigaygaba aanu si dhab ah ugu hawlgalnay in ay doorashooyinkaasi ay wakhtigii loogu talo-galay ay ku qabsoomaan.

Walaalayaal, hawlaha nagaga aaddanaa Doorashooyinka waxaa laf dhabar u ahaa saddex qodob:

  1. Diyaarinta Sharciga Diiwaangalinta Madaniga ah iyo Cod-bixiyayaasha.
  2. Saamiga Dawladda ee dhaqaalaha Doorashada iyo Diiwaangelinta.
  3. Magacaabidda Komishanka Doorashooyinka Qaranka

Waxan idiin caddaynayaa in aanu dhammaan qodobadaas ku fulinay wakhtigii munaasibka ahaa ee sharcigu tilmaamay.

Haddana, waxaa muuqata in uu dib-u-dhac jiro. Waxaan leeyahay “Nin reer u weyni sida uu wax u ogyahay uma wada sheegee, cidda eeddaa yeelata way soo bixi doonta”.

Waxaan ku kalsoonahay inay Somaliland xaalad kasta oo timaadda kaga gudubto wada tashi, isu dul-qaadasho, is-qancin iyo wada jir. Sidaa darteed, dhammaan dhinacyada ay arrintani khusayso oo dhan (Mucaarid iyo Muxaafidba); waxan u soo jeedinayaa in aynu wada tashi iyo walaaltinnimo aynu ku dhammaysanno arrimaheena, innaga oo sharciga ixtiraamayna. Walaalayaal, waxaa waajib innagu ah, inaynu wax walba ka hor marino danta Qarankeenna”.

Hadalkan ayaa kusoo beegmay xili madaxwayne Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa Saylici oo talada dalka uu u dhaariyey guddoomiyihii hore ee Maxkamadda sare ee Somaliland Md Maxamed Xirsi Oomane  27-kii July 2010-kii ka dib markii uu xisbiga Kulmiye ku guulaystey doorashadii madaxtooyadda ee Somaliland ka dhacday 26-kii June 2010-kii, ay maanta oo ay taariikhdu tahay 28-kii March 2015  ay uga hadhsan  tahay mudadiisa sharciyadda ah 90 cisho oo kaliya.

Dhinaca kale labadda xisbi mucaarid ee UCID iyo Waddani iyo siyaasiyiinta madasha-wadatashiga iyo toosinta qaranka ayaa la filayaa inay ka hadlaan hadalkan madaxwayne Siilaanyo uu ku sheegay inay doorashadu xiligeedii dib uga dhici doonto.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS