haatuf.net
Madaxtooyadda Oo Warancade Iyo Ina Fadal Ku Amartay Inay 24 Saacadood Gudahood Buugaagta Dibadda Uga Soo Daadiyaan, Una Xidhaan Library-ga Gaandi
March 29, 2015 - Written by Admin Two

Maktabadan Oo Uu Hore Madaxwayne Siilaanyo U Joojiyey In Ilma Xarbi La Wareegaan Ayaa Wakhtigan U Muuqata Arrin Uu Kula Socdo

 

Hargeysa, bronchi March 29, 2015 (Haatuf) – Siday noo xaqiijiyeen masuuliyiinta Maktabada ugu guunsan Somaliland ee Gandhi Library ku yaal badhtamaha magaalada Hargeysa oo mudooyinkan dambe arinkiisu dhabano hays keenay, ayaa waxa maamulka Ismail- Gaandi Library lagu wargaliyey maanta inay  24 saacadood kaga urur sadaan buugaagta iyo agabka wax akhriska ee yaala xaruuntaas.

Sida ay sheegeen ilo-wareedo mihiim ah oo Haatuf helay maamulka Maktabadaasi ayaa waxa lagu amray inay furaha xaruntaasi ay degdeg ugu wareejiyaan Mulkiilayaasha Shirkadda Al-Xarbi oo iyagu hore u sheegtay in laga iibiyey isla markaana gadood badan ka dib hore uu madaxwayne Siilaanyo u joojiyey la wareegista shirkaddaas ee dhismaha Maktabadaasi.

“Waxa noo yeedhay taliyaha booliska iyo wasiirka arimaha gudaha ee Somaliland oo nagu yidhi ka baxa oo ka gura buugta meesha” Sidaa waxa sheegay Mahad Ismaaciil oo ah guddoomiyaha rugta kutubta ee Gaandi Library. Masuulkaasi isagoo hadalkiisa sii watana, waxa uu inatas raaciyey “Waxa aanu wada kulanay maanta taliyaha booliska iyo wasiirka arimaha gudaha oo walaal nagu yidhi khasab ayaad kaga baxaysaan dhismaha library-ga, waananu ka diidnay” intaa waxa raaciyey Mahad Ismaaciil Gaandi oo sheegay in lagu war galiyey in meel kale oo aanay garanayn la geynayo buugta laga guro rugtaas.

Sidoo kale waxa uu Mahad Ismaaciil sheegay in ay arinka isku dayeen in ay si toos ah ugala macaamilaan kuna qanciyaan ganacsatada Ilama Xarbi oo xukumada Siilaanyo ka iibisay dhismaha iyo dhulka uu ku fadhiyo Gaandhi Library, hase ahaatee xubno xukumada ahi ku dhex jiraan, isla markaana ay doonayaan in xoog dibad loogu tuuro buugaagta, sida uu sheegayna aanay doonayn wax kale oo aan ahayn in dhismahaa gacanta loo galiyo, isagoo ah dan guud.

Dhinaca kale arrintan ayaa u muuqata mid ka gaadhsiis ah oo ganacsatadaasi oo ay Madaxwayne Siilaanyo isku beelyihiin ay kaga faa’idaysanayaan goobta uu Laybareerigaasi ku yaalo oo ah badhtamaha magaaladda Hargeysa, kaas oo dhinaca koonfureed kaga dhagsan Saldhiga dhexe ee caasimadda, iyagoo mudada xukuumadda Siilaanyo oo ay xiligeedii sharciyada uga hadhsan tahay 89 cisho ay isku tuseen in fursad wakhtigan kaga haboon aanay jirin inay awood dawladeed kula wareegto shirkadda Al-Xarbi dhismaha iyo gabi-ahaanba Area-daasi.

 

GANDHI LIBRARY (2)

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS