haatuf.net
Shirweynihii Garabka Haweenka Heer Qaran Ee Xisbiga Waddani Oo Si Rasmi Ah Ug Furmay Magaaladda Hargeysa‏+Sawirro
March 29, 2015 - Written by Admin Two

 

Hargeysa, sample order March 29, mind 2015 (Haatuf) – Shirweynahii koobaad ee garabka haweenka heer qaran ee xisbiga Waddani oo ay ka soo qayb galeen ergooyin iskaga kala yimi dhamaanba gobalada iyo dagmooyinka dalka, ayaa si rasmi ah saaka uga furmay hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Waxaana ka soo qayb galay guddoomiyaha aqalka golaha wakiilada Somaliland sida oo kalena ah guddoomiyaha… xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), hogaanka sare ee xisbiga Waddani, xildhibaano, ergooyinka garabka haweenka heer qaran ee ka kala yimi dhamaanba gobalada dalka, dhalinyaro iyo mart sharaf kale oo aad u tira badan.

Furitaanka shirweynaha heer qaran ee garabka haweenka xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo ka kala socday gobalada Maroodi-jeex, Togdheer, Boorama, Sool, Sanaag, Buuhoodle, Gabilay, Hawd iyo gobalka Xaysimo, ayaa ugu horeyntii waxaa halkaasi ka hadlay guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxaana uu ugu horeyn uu si balaadhan ugu mahad celiyey dhamaanba ergooyinka kala socday gobalada dalka isaga oo sida oo kalena ku dheeraaday ahmiyada uu leeyahay qabashada shirweynaha garabka haweenka heer qaran ee xisbiga Waddani.

Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), waxaa uu sida oo kale uu halkaasi ka akhriyey khudbad kooban oo taabanaysa dhinacyo badan oo salka ku haysa sida xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ay ugu go’an tahay in ay mar walba barbar taagan yihiin haweenka reer Somaliland, waxaana uu sheegay in xisbiga Waddani uu ahmiyad balaadhan uu siinaayo sidii ay haweenka reer Somaliland ay uga qayb qaadan lahaayeen siyaasada dalka, sida oo kalena ay kaalintooda uga ciyaari lahaayeen ka qayb qaadashada horumarka dalka.haweenka waddanihaweenka waddanhaweenhaweenka

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS