haatuf.net
“Baarlamaankii Maanta Dareenkii Shacabkay Ka Turjumeen, Bal xeerkii 10-ka sano la idinka sugayey ee la idinku dooran lahaana bisinka u qabta”Murashaxa Madaxwaynaha UCID
April 12, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, discount April 12, 2015 (Haatuf) – Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa bogaadiyay Golaha Wakiillada Somaliland go’aanka ay ku laaleen lacagtii sharci darrada ahayd ee laga qaadi jiray Baabuurta Cusub ee Dekeda ka soo degaysa,isla markaana waxa uu Golaha Wakiillada ka socsaday inay bisinka u qabtaan oo ay sameeyaan xeerkii lagu soo dooran lahaa.

Jamaal Cali Xuseen ayaa qoraalkan na soo gaadhsiiyey isagoo ku sugan dalka Maraykanka, kaas oo isagoo dhamaystiran u dhignaa sidan:-  “ILAAHAY lagama quusto, Baarlamaankii maanta dareenkii shacabkay ka turjumeen. Service aan daraasad iyo sharci midna loo samayn dakhlina lagu ururinayo in la laalo waa xaq, hambalyo.”

Jamaal Cali Xuseen waxa uu ka dalbaday Golaha Wakiillada Somaliland inay sameeyaan Xeerkii lagu soo dooran lahaa, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Baarlamaanoow Bal xeerkii 10ka sano la idinka sugayey ee la idinku dooran lahaana bisinka u qabta.”

Go’aanka diidmada ah ee Golaha Wakiillada Somaliland ku laaleen lacagta sharci darada ahayd ee ;aga qaadi jirey baabuurta cusub ee dekeda Berbera ka soo degeysa ayaa noqonaysa go’aamada faro ku tiriska ah ee Goluhu ugu danaynayo Bulshada, kaasi oo aanay mucaarid iyo Muxaafad u kala hadhin.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS