haatuf.net
Guddoomiyaha Wakiiladda Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo U Safray Dalka Ethiopia Iyo Nuxurka Arrimaha Uu La Xidhiidho Socdaalkoodu
April 12, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, erectile April 12, anabolics 2015 (Haatuf) – Wefti balaadhan oo iskugu jira xildhibaano wakiilada ka tirsan,Wasiir ku-xigeeno iyo agaasimeyaal ayaa maanta u ambabaxay dalka Ethiopia, halkaasi oo ay ku soo qaadan doonaan Culuun la xidhiidha maamul wanaaga.

Guddoomiyaha golaha wakiilada isla markaana guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi  (Cirro), oo weftigan hogaaminaya, ayaa sheegay in weftigan oo iskugu jira golaha xukumadda iyo kan baarlamaanku soo qaadan doonaan tababar la xidhiidha hogaaminta wanaagsan.

“Waxaanu maanta halkan ku maraynaa wefti balaadhan oo Somaliland ka socda, kuna socda Itoobiya si ay ugu soo qaataan tababar ku saabsan hogaaminta. Waxay weftigani iskugu jiraan 20 Xildhibaan, Xubno golaha Xukumadda ka socda iyo agaasimeyaal guud, tababarkaasna waxaanu filaynaa inuu noqdo mid wax u tara Somaliland”, ayuu yidhi Gudoomiye Cirro.

Gudoomiyaha wakiilada ayaa sidoo kale sheegay inay halkaasi kulamo kula yeelan doonaan Masuuliyiin African ah, isagoo arrimahaasi ka hadlayana, waxa uu yidhi “Intaanu halkaas joogno waxaanu la kulmi doonaa Masuuliyiin dalka Ethiopia ka tirsan, waxa kale oo aanu la kulmi doonaa Ururka Midawga Africa(AU), kuwaasi oo aanu kala hadli doono arrimaha Somaliland oo Citiraaf raadintu ugu horayso, waxaanan filaynaa inaanu wax badan ka soo qaban doono”.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS