haatuf.net
Halkan Ka Daalaco Magacyada Lix Qof Oo Maanta Lagu Fuliyey Xukuno Qisaas Ah
April 13, 2015 - Written by Admin Two

Mandheera, pilule April 13, 2015 (Haatuf) – Xukumadda Somaliland ayaa maanta fulisay xukuno qisaas ah oo lagu dilay lix qof kadib markii ay hore Maxakamadduhu ugu xukumeen dil. Qisaastan oo ka dhacday Degmada Mandheera ee Bariga Hargeysa waxaa goob joog ka ahaa saddexda ciidan qaran oo asluubtu hogaaminayso iyo saraakiil wasaaradda caddaaladda ka tirsan.

Cabdi Cabdillaahi, oo ka tirsan Wasaaradda Caddaaladda iyo garsoorka Somaliland, ayaa sheegay in dadkani hore u gaysteen dil, islamarkaana Maxakamadduhu ku xukumeen dilkaasi, sidoo kalena ehelada dadka la dilay iyo kuwa dilka gaystay isla afgarteen in la dilo.

Masuulkan oo sheegaya Magacyada dadka la dilay ayaa yidhi:-

  1. Maxamed Daa’uud Axmed,ina Hibo Cilmi, oo 25 jir ahaa iyo Cabdiwali Cilmi Muuse, Ina Caasha Maxamed, oo 25 jir ahaa oo si wada jir ah Boorama ugu dilay Marxuum Mukhtaar Cismaan Warsame, taariikhdu markay ahayd 30-03-2008-dii.
  2. Iliyaas Cabdillaahi Aadan, ina Waris Cige, 4o jir ahaa oo Magaalada Hargeysa ku dilay, Marxuumiinta kala ah Aadan Cabdi Mursal iyo Muuna Axmed Maxamed, taariikhdu markay ahayd, 26-07-2003-dii;
  3. Maxamed Axmed Xirsi, Ina Farxiya Cali, 24 jir ahaa oo Magaalada Burco ku dilay Marxuumad Farxiya Daahir Cabdi oo Xaaskiisa ahayd, taariikhdu markay ahayd 10-05-2011-kii;
  4. Ex Dable Askari Boolis ah Maxamed Cabdillaahi Cabdi Guuleed, Ina Mulaaxo Cabdi, 28 jir ahaa, oo tuulada Qoton dabo ku dilay Marxuum xuseen Maxamuud Cawaale(Gacmo-dheere), maalintii 22-03-2015-ka;
  5. Ex Dableh, Askari Ciidanka Qaranka ah Cabdirashiid Xasan Cumar, ina Xaawo Muxumed Nuur, 25 jir ahaa, Magaalada Hargeysa ku dilay Marxuum Cabdifataax Maxamed Soodaani 07-08-2009.

Sidoo kale waxaa xusid mudned in  gacan ku dhiiglayaashan dilka lagu filanayey ay  tiradoodu aheyd 7  qof balse  ninkii tobaad  oo ah nin hore dil uga geystay gobalka Gabilay isaga oo tiirkii qisaasta ku   xidhan  ayaalaga furey tiirkii qisaastu ka dhaceysay ka dib markii ay heshiiyeen labadii reer ee dilku dhex maray.

Dhinaca kale arrintan ayaa noqonaysa qisaastii u horaysay ee la fuliyo mudadii xukuumadda Siilaanyo, taas oo mudadii shanta sano ee dhawdhaw ahayd ee ay taladda dalka haysay aan fulinin iska daa dadkii la xukumay xiligii xukuumadii Rayaale’e aan fulinin dadkii ay maxkamaduhu dilka ku xukumeen inta ay talada dalka haysay xukuumadda Siilaanyo.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS