haatuf.net
Kala-Maan – Hoyga Dhimashada ee Magaalada Hargeisa (Hargeisa Group Hospital): By Mustafa A. Ismail
April 14, 2015 - Written by Admin Two

(Kala-maan waa maqaalo ka hadli doona arrimaha bulshada wax siyaad ah na aan looga jeedin iyo shakhsiyaad gaar ah)

 

Qofka bini-aadamka ah waxa ugu qaalisan ee uu Rabbi ku manaystay waa caafimaadka, medical waana mid ka mid ah waxyaabaha aas-saaska u ah baahiyaha bulshada( basic needs) , sickness sida loogu baahan yahay dhuuni iyo biyo goor walba nafta lagu sabo ayaa loogu baahan yahay goob ama xarun caafimaad oo ruux kasta oo dhibi haleesho lagu dabiibo ama daaweeyo. Inkasta oo nolosha qofka aadamaha ahi tahay mid karaamo iyo xurmo badan  caafimaadkuna sidan u muhiim yahay waxa aan maqaalkan ku  iftiimin doonaa sida loo dayacay caafimaadkii dalkeena, gaar ahaan cisbitaalka wayn ee magaalada Hargeisa.

Aan ku horeeyo dhinaca maamulka hospitalka ayaa inta badan ah dad ku dhex milma siyaasadda dalka ka jirta oo aan marna isku mashquulin sidii ay bulshada inteeda xanuusanayna ee kaalmada u baahan wax ula qaban lahaayeen. Taas oo sababtay in dhakhtarka wayn ee magaalada Hargeisa noqdo meel aan yeelan maamul waara oo sanado badan xilka maamul ee hospitalka haya.

Dhinaca dhakhaatiirka hospitalka magaalada hargeisa ayaan ahayn qaar iyagu usoo jeeda bulshada inta baahan in ay gargaaraan, oo dadka hospitalka jiifa ay soo maraan wiigii laba jeer amaba hal mar sababtoo ah dhakhaatiirtii waawaynaa ee waddanku waxay gaar u yeesheen hospital dadka ay ku daweeyaan inta awoodda in ay iska bixiyaan lacagta adag ee ay dadka waydiiyaan.

Dhakhtarka ka hawl gala hospitalka wayn magaalada hargeisa ayaa dadka bukaanka ah waxay usoo dhex maraan sidii oo ay damaashaad yihiin, taaha dadka xanuusanayaana ay uga dhigan tahay wax aan waxba ka jirin. Hadii uu qof bukaan ahi jaanis u helo in uu dhakhtarku soo dul istaago, warqadaha ku dul xidhan waxa keliyaata oo ay ka eegaan il-qoodha kadibna degdeg isku dhaafiyaan, ogow labada qof ee is dul taagani waa KALA MAAN’E mid waa dhibane wuxu sugayay dhawr maalmood si uu u helo taageero iyo talo caafimaad midna waa dhakhtarkii oo aan wax masuuliyad ah iska saaraynin dhibana. hawlahooda ayay iska sii wataan iyagoo mararka qaar aad arkayso isagoo dhinac  telephone kaga hadlaya dhinacna, tilmaamo ka bixinayo ku saabsan bukaanka hoos jiifa.

Akhrise, qofkii ay dareemaan inay ka heli karaan waxoogaa lacag ahna hoos ugu sheega in uu kasoo baxo hospitalkan yimaadona hospitalka uu ka shaqeyo ee uu gaarka u leeyahay si uu halkaas ugu daweeyo.

Ummadda Somaliland gaar ahaan inta hospitalka wayn ee magaalada hargeisa ku jirtaa waxay gargaar,  talo iyo tusaale ka helaan oo kaliyaata dhakhaatiirta da’da yar ee sanadihii u danbeeyay kasoo baxayay jaamacaddaha.

Dhinaca Nadaafada

Midba midda kale kasii darane haddaynu wax ka tilmaano dhinaca nadaafadda, Albaabka ugu horeeya ee laga galo hospitalka magaalada Hargeisa ayaa waxa aanad kala- garanaynin in meeshu ay tahay xero-qaaddii iyo inay tahay goob caafimaad, waxa marka ugu horaysa  wadada dhexdeeda iyo dhinacyadaba kaa qabanaysa garaabo-jaad oo cusub  iyo mid duug ahba oo hordhac u ah waxa xigi doona, marka la soo gaadho qaybta Emergency-ga amaba gargaarka deg-degga ah ayaa qaadkii iyo haashkii sigaarka waxaa kuu bedelayaa dhiig dhulka iyo sariiraha qariyay, akhrise haddii aan halkaas yara dul istaago hal dhiig maaha waa laba dhiig, waa dhiig aad arkayso inuu imika yahay iyo dhiig maalmo hore ah oo ku dul qalalay sariiraha mesha yaala, qaybta gargaarka deg-degga ah oo ay yaalaan wax aan ka badnayn 5 sariirood ayaa intuba yihiin sariiro iyagu dhaawac usii geysa  bukaanka la dul jiifiyo sababtoo ah waxa ka dhamaaday furaashkii dusha kaga samaysnaa waxaana soo hadhay biro qudhaata (wax la’aanta ayay dhaantaaye aan hore ugu sii socdo hospitaalkeena)

Marka aad gaadho waadhadhka ragga iyo dumarka ayaa waxad arkaysaa markaaba in qofkasta oo bukaan ah oo jiifa ay ku hoos nooshahay bisadi, balse akhriste waxaa kale oo aad dareemaysaa in waadhadhku ay ka yara fiican yihiin nadaafad ahaan qaybtii emergency-ga ama gar-gaarka deg-degga ah.

Qolalka gaarka ah ee hospital-ka ayaa u dhisan hab wanaagsan dusha marka aad ka aragtona waxa markaba niyaddaada kusoo dhacaysaa in aad ilaawayso wixii hore ee aad ugu aragtay hospital-ka, balse markaad gudaha u gasho ee aad aragto furshaanta iyo maryaha kale siday u madoobadeen ayaad ogaanaysaa inaad weli dhex joogto HOYGII DHIMASHADA EE MAGAALADA HARGEISA.      

Ugu danbayntii, waxaan kusoo af-meerayaa maqaalkaygan in laga hawl galo sidii wax looga wada qaban lahaa adeegyada hospital-ka oo dhan.

(Kala-maan waa maqaalo ka hadli doona arrimaha bulshada wax siyaad ah na aan looga jeedin iyo shakhsiyaad gaar ah)

myaim2030@gmail.com

By: Mustafa A. Ismail

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS