haatuf.net
Wafti Xukuumadeed Uu Hogaaminayo Baashe Cawil Oo Soo Saxeexaya Heshiis Lagu Wareejinayo Dekadda Berbera Oo Maanta U Ambabaxay Imaaraadka
April 16, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, prostate April 16, 2015 (Haatuf) – Wafti matalaya xukuumadda Somaliland oo uu hogaaminayo wiilka uu soddoga u yahay Madaxwayne Siilaanyo ayaa saaka u amba-baxay dalka Imaaraadka Carabta si ay shirkad wadankaasi laga leeyahay ula soo saxeexdaan heshiis ay kula wareegayso maamulka dekadda magaaladda Berbera.

Dhinaca Somaliland ayaa saxeexa heshiiskan waxa la filayaa inay qalinka ku duugaan Wasiiradda Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis iyo Ganacsiga Muuse Qaasin oo labadooduba Baashe Cawil ku wehelinaya waftigan.

Inkastoo qodobada heshiiskan magaca xukuumadda Somaliland lagula galayo Shirkaddan Imaaraadka laga leeyahay ay wali yihiin qaar qarsoodi ah hadana sida ay ilo u dhuundaloola waftigani Haatuf u sheegeen, heshiiska kuma jiraan qodobo shardi kaga dhigaya shirkaddaasi inay hirgaliso hawlo ay ku balaadhinayso kuna casriyeynayso dekadda Berbera oo gaadhsiisan heer ay kula tartami karto dekaddaha kale ee mandaqadda.

Shirkaddan Imaaraatiga ah ayaa waxa ay maamushaa qaar ka mid ah dekaddaha waawayn ee caalamka, waxaanay ku hamiyeysaa inay la wareegto oo ay maamusho  tiradda ugu badan ee dekadaha aduunka ka jira, iyadoo  ay tartan kula jirto shirkaddo kale oo waawayn oo caalami ah, taas oo la filayo inay bixiso lacag xaqul-qalin ah marka ay waftigaasi heshiiska kala saxeexdaan.

Heshiiskan ay Somaliland la galayso shirkaddan laga leeyahay Imaaraadka ayaa haddii uu noqdo mid hirgala meesha ka saarri-doona shirkadda Faransiiska ah ee Bollore oo iyaduna doonaysay inay la wareegto maamulka dekadda Berbera.

Ganacsade Maxamed Aw Siciid iyo wasiirka khaarajiga Maxamed Biixi Yoonis oo heshiiska Bollore dabada ka riixaya ayaa haatan u muuqda kuwa la muquuniyey ka dib markii ay u awood sheegteen Baashe Cawil iyo maareeyaha dekadda Berbera Cali Xoor-xoor oo labadooduba isku kaashaday curyaaminta qorshihii Bollore, iyagoo sida la sheegay ay dhinaca shirkadda Imaaraatiga ah ka heleen balan-qaad ka fiican kii shirkaddaas Faransiiska ah oo ku taxaluqsan xaddiga lacagta xaqul-qalinka ah ee Baashe Cawil la siin doono iyo Cali Xoor-Xoor oo isaga ay shirkadda Imaaraatiga ahi u balanqaaday inuu u noqdo la taliye qaata bishii mushahar dhan $20,000.

Dhinaca kale ganacsade Maxamed Aw Siciid oo badeecado kala duwan oo kootarabaan ah dalka Yemen uga diri-jiray dekadda Berbera ayaa la sheegay inuu walaac iyo welwel badan ka muujiyey heshiiska la filayo inuu waftigani la saxeexdo shirkadda Imaaraatiga ah, kaas oo ka cabsi-qaba in shirkaddaasi markay maamulka dekadda la wareegto ay joojiso ganacsigiisa kootara-baanka ah, kaas oo uu fasax uga haystay xukuumaddii hore ee Rayaale iyo tan Axmed Siilaanyo-ba.

Ganacsadahan ayaa badeecadaha uu kootarabaan ahaan ugu dirro dalka Yemen waxa ka mid ah sigaarka BUSINESS ROYAL?S-ka iyo rashka oo dalka Yemen aad looga isticmaalo, gaar ahaan wakhtiyada munaasidaha farxadaha sida arroosyada iyo xafladaha kale.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS