haatuf.net
Xubnaha Waftigii Imaaraadka Ku Soo Saxeexayey Heshiiskii Dekadda Oo Dhexdooda Is-Khiyaameeyey
April 16, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, clinic April 16, 2015 (Haatuf) –Wasiirka Ganacsiga Muuse Qaasim iyo Maareeyaha Dekadda Berbera Cali Xoor-xoor ayaa ka baaqday safar ay maanta ku tagi lahaayeen dalka Imaaraadka Carabta si ay uga qaybgalaan munaasibad uu wafti ka socda xukuumadda Somaliland heshiis kula saxeexanayey shirkad laga leeyahay wadanka Imaaraadka, taas oo la filayo inay la wareegto maamulka dekadda Berbera.

Muuse Qaasim iyo Cali Xoor-xoor ayaa maanta kasoo noqday madaarka Hargeysa ka dib markii daqiiqadihii u danbeeyey lagu wargaliyey  in aan lasoo saarin fiisihii ay ku gali lahaayeen dalka Imaaraadka Carabta.

Soo-saarista fiisooyinka xubnaha waftiga Somaliland ee aan iyagu lahayn baasaaboorada ajanabiga ah ayaa waxa u xil-saarnaa wiilka uu soddoga u yahay madaxwayne Siilaanyo ee Baashe Cawil.

Sidoo kale waxaan wali cadayn in labadan masuul ay ka daba-tagi doonaan waftiga xukuumadda ee uu hogaaminayo Baashe Cawil ee hadda ku sugan dalka Imaaraadka si ay u soo saxeexaan heshiiska wareejinta dekadda Berbera.

Hase yeeshee sida ay ilo-xogogaal ahi Haatuf ugu warameen Baashe Cawil ayaa si ula kas ah uga maaggay inuu fiisooyinka usoo saarro labadaas xubnood oo markii hore hawshaasi la waday.

Dhinaca kale wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa isaguna wakhti danbe go’aan ku gaadhay inuu ka hadho xubnaha waftiga ee maanta dalka ka dhoofay.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS