haatuf.net
Cali Warancade Oo Markii Kharashkii Nabadgalyadda Laga Joojiyey U Cadho-Dhoofay Dubai
April 17, 2015 - Written by Admin Two

Tan Iyo Intii C/casiis Samaale Laga Qaaday Xilka Wasiirka Maaliyadda Ayaa Waxa Xoog Isku-dhimay Dakhligii Usoo Xaroon-jiray Qasnada Dawladda

 

Hargeysa, cialis April 17, 2015 (Haatuf) – Wasiirka Daakhiliga Somaliland Cali Warancade ayaa maalintii doraad u dhoofay magaaladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ka dib markii uu ka cadhooday kharashkii faraha badnaa ee isaga iyo Taliyaha Bilayska C/laahi Fadal ay ku cuni jireen ‘sugida nabadgalyaddaoo ay wasiirka maaliyadda Samsam Cabdi Aadan dhawaan ka joojisay.

Mr Warancade oo ka xanaaqsan lacagahaas laga joojiyey ayaa ku marmar-sooday in uu Dubai u tagayo arrimo caafimaad isagoo sheegay in indhuhu xanuunayaan.

Sida la ogsoonyahay tan iyo intii C/casiis Samaale laga qaaday xilkii wasiirka maaliyadda ayaa waxa xoog isku dhimay dakhligii u soo xaroon-jiray qasnada dawladda, taas oo keentay in wasiir Samsam ay todobaadkan  gobolada iyo degmooyinka dalka ka bilawdo olole cashuur ururin ah, inkastoo qaar ka mid ah masuuliyiinta sarsare ee wasaaradda maaliyadda ay ololahaasi ku tilmaameen mid caadifadaysan oon ku jihaysteen wax ka qabashada as-baabihii dhabta ahaa ee keenay in dakhligu hoos u dhaco.

Siday masuuliyiintaasi ay Haatuf uga xogwarameen, wasiirka maaliyadda ee cusub Samsam Cabdi Aadan ayaa mudadii ay xilka haysay ay wasaaradii maaliyadda ku timid kala-daadasho badan iyo mooraal-xumo shaqaalaha dhexdooda ah, taas oo ay masuuliyiintaasi ku food-saareen dhaqamo iskugu jira maamul-xumo iyo is-kooxaysi oo ay wasiir Samsam kula soo dhex-dhacday wasaaradda, taas oo saamayn ku yeelatay hab-sami u socodkii shaqadda isla markaana khalkhal ku riday nidaamkii maaliyadeed ee soo dhisnaa ilaa Maxamed Xaashi iyo C/casiis Samaale oo ahaa ladii wasiir ee xilkan uga horeeyey iyadda.

Inkasta oo ay masuuliyiintaasi wasiir Samsam ku amaaneen joojinta kharashka dheeraadka ah ee faraha badan eek u bixi jiray ‘arrimaha nabad-galyada’, hadana waxay tilmaameen in talaabadani aanay xal u noqon-doonin dakhliga dawladda ee is-dhimay balse si loo furdaamiyo mushkiladan soo wajahday wasaaradda loo baahan yahay in wasiir Samsam iyadu isku-noqoto oo haddii aanay nidaamkii maaliyadeed ee wasaaradda u dhisnaa wax cusub oo waxtar leh kusoo kordhinayn ay bal qarda-jeexa uun ka ilaaliso.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS