haatuf.net
Xukuumadda Siilaanyo Oo Sifo-Sharciga Baalmarsan Xabsiga Ugu Taxaabtay Guddoomiyihii Xarunta Xuquuqal Iinsaanka Somaliland
April 18, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, view April 18, view 2015  (Haatuf) – Xukumadda Siilaanyo ayaa maanta sifo sharciga baalmarsan xabsiga ugu taxaabtay Guddoomiyaha Xarunta Xuquuqal Iisaanka Somaliland Guuleed Axmed Jaamac, kadib markii uu ka hadlay cadaalad-darada garsoorka dalka iyo qisastii dhawaan Xukuumadda Somaliland ku fulisay lix qof oo ku eedaysnaa inay dileen dad.

Xarunta Xuquuqal Iiisaanka Somaliland(Somaliland(Somaliland Human Right Center),ayaa waxay cambaareysay xadhiga guddoomiye Guuleed Axmed Jamac, waxaanay sidaa ku sheegeen warsaxafadeed qoraal ah oo ay soo saareen maanta, kaas oo nuqul ka mid ah ay soo gaadhsiiyeen Haatuf, isla markaana isagoo dhamaystiran u dhignaa sidan:-

“Waxaa maanta (18.04.2015) abaaro 09:00 subaxnimo lagu xidhay maxkamada gobolka  Hargeisa Guleid Ahmed Jama oo ah Gudoomiyiha Xarunta Xuquuqal Insaanka isagoo hawl maalmeedkiisa shaqo ee caadiga ahaa ku guda jira. Waxaa amarka qabashada bixiyay Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Hargeisa.  Amarkaas qabashadu muu ahayn mid sababaynsan. Waxaa la qabtay iyadoo aan waaran qabasho oo maxkamadi soo saartay aanu jirin.

Gudoomiyaha Maxkamada Gobolku waxa uu si cad ugu xad gudbay qodobka 25aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland kaas oo dhigaya inaan qofna la xidhi karin iyadoo aan loo hayn Waaran Qabasho oo Sababaysan.

Xarunta xuquuqal Insaanku waxay si adag u cambaaraynaysaa xadhigaa sharci darada ah ee lagula kacay Gudoomiyaha Xarunta. Waxaanay ugu baaqaysaa Xaruntu Gudoomiya maxkamada Gobolka inuu si deg-deg ah xoriyadiisa ugu soo celiyo Guleid Ahmed Jama.”

Guddoomiyaha Xuquuqal Iinsaanka Somaliland

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS