haatuf.net
Madasha Wadatashiga Oo Golaha Guurtida Uga Digay Inay Sameeyaan Muddo Kordhin Ka Duwan Soo Jeedinta Komishanka Doorashooyinka
April 22, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, buy cialis April 22, store 2015 (Haatuf) – Madasha wadatashiga iyo toosinta Somaliland, malady ayaa sharci darro ku tilmaamay muddo ka duwan ta Komishanka doorashadu soo jeediyay ee halka sanno ah oo guurtidu u kordhiso Xukumadda Siilaanyo iyo golaha wakiilada.

Siyaasiyiinta Madasha wadatashiga ku midaysan, ayaa Shir jaraa’id oo ay Hargeysa ku qabteen ku sheegay in Guurtida haldoorkii hore u maddu u dooratay ka dhamaaday marka laga reebo 12 xubnood. Inta kale ayaa ku joogta dhaxal.

“Saddexda gole ee dalka ka taliya laba wakhtigu wuu ka dhan yahay oo waa guurtida iyo wakiilada, markaas ilaa hadma ayaynu wadaynaa Sharci darrada?, Riyaale ayaa Sharci darro ah oo loo kordhiyay,Cigaal baa loo kordhiyay, kana waynu u kordhinaynaa, ilaa waligeed maynu kordhinaynaa uun, oo maynu marka horeba nidhaahno 8 Sannadood xilka ha hayo qofka la doortaa, 8 haddaynu siinana way dhaafi doontaa. Waar ilaa goorma ayaynu noqonaynaa umad aan xisaabtamin?, guurtida qayb badan oo ka mid ah ayaa biilka caruurtooda lagu aamini waayay, markaasay wax idiin doorayaan, Maxay dhalintu badaha iskugu daadinaysaa?, haddii xeerka lagu noqdo dalku wuu ku filan yahay” ayuu yidhi Xasan Guure Jaamac, gudoomiyaha madasha watashigu.

“Waxaanu leenahay 5-tii sannadood ee Madaxweyne Siilaanyo xilka hayay, wuu ugu talo galay inaanu dalka doorasho ka qaban, waxaanu leenahay intii aanu ku dooranay way kaa dhamaatay oo waa 26-ka June 2015-ka, dee doorasho dambe oo lagugu soo celiyo mooyee wakhtigii wuu kaa dhan yahay. Waxaanu leenahay xukumaddani waa dawlad kibir ku shaqaysa gabigeeduba oo aan waxbaba iskaga tirinayn umaddeedii, oo is leh waxaad doontaan baad samayn kartaan cidna idinka daba hadli mayso”

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa isna dhaliilay guurtida “Waxa weeye guurtidu 82 ayay hayd, 11 ayaa ka soo hadhay 4 waa bukaan jiif,markaas 7  ayaa soo hadhay, markaas guurtidu waxay ku buuxsantay dhaxaltooyo, dhaxaltooyana sharciga meel ay kaga jirtaa ma jirto” ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi.

Hadalka Madasha wadatashiga ayaa ka dambeeyay go’aanka shalay Komishanka doorashada Somaliland ku sheegeen inay doorashada ku qaban karaan muddo hal sanno ka dambeysa wakhtigii loo cayimay islamarkaana ku beegan 1-da June 2016-ka.mudaneyaal guurtida ka tirsan ayaa ku dooday inaanay cayimaada doorasho muddo kordhin u baahan xaq u lahayn Komishanku, balse Madasha iyo Xisbiyada Mucaaradka ayaa ku talisay inay guurtidu muddo kordhinteeda ku salaystaan soo jeedinta Komishanka.madasha

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS